Altcoins-ku Mar Kale Ma Soo Kaban Doonaan?
Suuqa Altcoins-ka wuxuu wajahayaa xaalad aad uga duwan wareegyadii hore. Sannadkii 2021, in ka badan 100 Altcoin ayaa midkiiba haystay Market cap ama qiime suuqeed ka badan $1 billion oo dollar. Maanta tiradaas si weyn ayay hoos ugu dhacday. 84% Altcoins-ka waxay joogaan qiime ka hooseeya 200-Day Moving Average-kooda, oo ah celceliska dhaqdhaqaaqa qiimahooda 200 maalmood.
Waagii hore, marka Bitcoin kor u kacdo, faa’iidada laga helo waxay u gudbi jirtay Ethereum, Altcoins-ka waaweyn, dabadeedna kuwa yaryar. Sidaas ayuu ku imaan jiray Alt season, laakiin hadda wareeggaasi wuu daciifay. Maalgashiga hay’adaha waaweyn wuxuu ku qulqulayaa Bitcoin ETFs, sidii horena uma soo gaaro suuqa Altcoins-ka.
Sidoo kale waxaa daciiftay Ethereum, oo ahayd buundada isku xirta Bitcoin iyo Altcoins-ka kale. ETH/BTC Ratio-gu wuxuu gaaray heer aad u hooseeya, halka shabakadaha Layer 2 ay hadda maamulaan inta badan Transaction Volume-ka Ethereum, iyagoo qayb yar oo Fee Revenue ah dib ugu celiya Ethereum Base Layer-ka.
Tani macnaheedu ma aha in dhammaan Altcoins-ku dhinteen, balse waxaa meesha ka baxaya Alt season-kii kor u qaadi jiray Altcoin kasta, gaar ahaan waxaa jug xun soo gaartay kuwa aan lahayn adeeg ama aan xallin baahi dhab ah. Soo kabashada xigta ee suuqa waxay u badan tahay inay ku koobnaato mashaariicda leh Fundamentals adag, sida isticmaalayaal dhab ah, dakhli joogto ah iyo Real-World Utility, oo ah adeeg dhab ah oo suuqu u baahan yahay.
Mashaariicda Crypto-da ee hadda si fiican uga dhex muuqda suuqa waxaa ka mid ah Real-World Assets, sida Ondo Finance iyo Chainlink; mashaariicda DeFi, sida Hyperliquid, Aave iyo Morpho; iyo mashaariicda la xiriira AI, sida Bittensor iyo Render. Mashaariicdan waxaa lagu qiimeeyaa isticmaal dhab ah, dhaqdhaqaaq suuqeed, dakhli ama adeeg ay bixiyaan, balse taasi macnaheedu ma aha in ay dhammaantood yihiin maalgashi wanaagsan.
Maalgashadayaashu waa inay si dhow ula socdaan Bitcoin Dominance, oo ah saamiga Bitcoin ay ka haysato guud ahaan suuqa Crypto-da. Haddii Bitcoin Dominance-gu ka hoos maro 55%, saamiga ETH/BTC-na uu soo kabto, waxay noqon karaan calaamado muujinaya in raasumaalka ka soo wareegayo Bitcoin una soo gudbayo Altcoins-ka. Ilaa la arko isbeddelladaas, cid kastoo kuu sheegta in Alt Season billaabanayo waa inaad ka taxaddartaa.
Altcoins-ka qaarkood way soo kaban karaan, laakiin dhammaantood dib uma soo laaban doonaan. Wareegga cusub ee suuqa waxaa fursad wanaagsan heli doona mashaariicda leh Fundamentals adag, isticmaalayaal dhab ah iyo adeeg suuqu u baahan yahay. Halka Token-nada ku tiirsan buunbuunin, xayeysiis iyo rajada maalgashadayaasha ay halis weyn ugu jiraan inay qiimahooda lumiyaan ama gebi ahaanba suuqa ka baxaan.
W/Q: Eng. Abdishakur Mohamed
On sale products
-
Cryptocurrency Best Trading Course
Original price was: $49.$19Current price is: $19. -
Investment And Trading Course
Original price was: $99.$29Current price is: $29.


