|

4 shaqo yaan lagaaga hormarin 2024 !

Waxaan rajaynayaa in sanadkaan sii dhamaanaya ee 2023 wax badan kuu hagaageen inta dhimanna Ilaahay SWT ayaan ka rajaynayaa inuu guul noogu dhameeyo, hadaba si aad ugu sii diyaar garowdid sanadka soo socda ee 2024 fursadaha uu kuu sidana uga faaĆ­idaysatid waxaan kugula talinayaa inaad xoogga saarto 4-taan shaqo oo aan isleeyahay noloshaada ayay wax wayn ka tari karaan Insha Allah.

1. Cryptocurrency

Suuqa Cryptocurrency, waa suuqa aniga ahaan isleeyahay wuxuu cirka geli doonaa 2024, sababtoo ah wuxuu helayaa mar walba dad badan oo maal gashi ku samaynaya, Waa suuqa sida maalinlaha aan uga helo dakhligayga waxaana ka sameeyey suuqaan lacagtii ugu horreysay ee ka badan $10,000 oo isku xiran oo mar isoo gasha.

Hadii aadan wax badan ka aqoon Cryptocurrency siday u shaqayso waxaad ka aqrisan kartaa Linkiyadan hoose.

Sidee lacag looga sameeyaa Cryptocurrency?
Hadii aan ogaan lahaa 10 sano ka hor

2. Content Creation

Marka laga soo tago Cryptocurrency, 40% dakhligayga billaha ah wuxuu iga soo galo social media sida YouTube, Facebook iyo TikTok, hadii aad xiiseeneyso seddexdaan mareeg waxaan ka soo samayn doonaa qoraal kale ama already inaan ka soo sameeyey macquul ah waxaa ka heli kartaa Halkan.

Content creation waxaan ula jeedaa baro sida loo sameeyo muuqaallada, baro sida lacag looga sameeyo baraha bulshada, qasab maaha inaad noqotid qof caan ah oo wajigaaga la arko, kaliya waxaad u baahan tahay inaad taqaan Video Editing, script writing, xataa hadaadan aqoon waxaa kiraysan kartaa shaqaale yaqaan oo freelancers ah waxaana qiima jaban ku heli kartaa Soomaali badan oo ka shaqaysata Fiverr.

3. Freelancing

Runtii dad badan oo Soomaaliyeed ayaa markasta ku soo biiraya xirfadda Freelancing-ka mana aha wax adag, waxaad u baahan tahay inaad taqaan xirfad suuqaas looga baahan yahay sida muuqaal hagaajinta Video editing-ka, Web design hagaajinta website yada, sawir naqshadeynta Graphic design, tarjumiadda afadka qalaad iwm.

Freelancing wuxuu xirfadaha kale uga fiican yahay waxaa ku billaabi kartaa Zero budget, hal dollar adigoo aan haysan ayaad shaqadan geli kartaa, wixi aad shaqeyso kaliya ayaa percentage lagaa jarayaa, dad badan ayaana sanadkii ka sameeya kumannaan dollar laakiin waa inaad master ku tahay skill kaaga maadaama dad badan suuqa kugula tartamayaan.

4. Social media influencer

Soomaalida hadaa nahay inteenna badan qaladaa ka aaminsannahy qofka caanka ka ah baraha bulshada, lkn adduunka qofkaas wuxuu sameeyaa malaayiin dollar waayo, wuxuu macaamiisha ku xiran uga faaĆ­idaystaa inuu xayaysiis gaarsiiyo.

Wiil yar oo dhallinyar ah ayaa 20 sano isagoo aan gaarin digriiga koowaad ee Jaamacadda aan dhamaysan wuxuu noqonayaa milyanneer sababta wax kale maaha wuxuu noqday social media influencer wuxuuna xayaysiis u sameeyaa shirkado waa wayn sida Apple iyo Pebsi.

Gaba gabo

Aniga kuma lihi 4-taan shaqo waa ku qasban tahay laakiin waa afarta shaqo ee aan kaaga baahnayn inaad ku barato muddo dheer laakiin waxaa ka samayn kartaa lacag fiican, inaad ka guul gaarto waxay kugu qaadan kartaa kaliya 100 maalmood ama 3 bilood.

Waxaa qoraalkan kan xiga kugula soo wadaagi doonaa 5 shaqo oo waqti lumis ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee Internet-ka wax ka raadiyana nacsiiyay Online Business-ka. waxaa rajaynayaa inaad kala socon doontid YouTube-kayga ama Telegramka.

W/Q: Eng. Abdishakur Hussein Mohamed

Similar Posts