Baqdinta iyo fursadda is barkan ee Crypto, Maxaa soo kordhay?

Michael Saylor, oo ah aasaasaha iyo Guddoomiyaha Fulinta ee shirkadda Strategy, kana mid ah taageerayaasha ugu caansan Bitcoin, ayaa sheegay inuusan weligiis iibin Bitcoin-ta uu qof ahaan u leeyahay isagoo u jawaabay dadka ku eedeynaya inuu jebiyey hadalkiisii ahaa “waligaa ha iibin Bitcoin-kaaga,” kadib markii shirkadda Strategy ay iibisay Bitcoin qiimaheedu gaarayo qiyaastii $105 million.

Saylor wuxuu sheegay inuusan weligiis iibin Bitcoin-kiisa gaarka ah, xitaa hal Satoshi. Wuxuu caddeeyay in Strategy ay tahay shirkad wayn oo leh saamiley, kharashaad iyo waajibaad maaliyadeed, sidaas darteedna aysan isku mid ahayn Bitcoin-ka shirkadda iyo midka uu qof ahaan gaar u leeyahay.

Tan iyo 2020, Strategy waxay shaacisay inay iibsan karto ama iibin karto Bitcoin si ay u maamusho raasamaalkeeda. Iibkii ugu dambeeyay kadib, shirkaddu waxay $81.2 million dib u iibsatay saamiyada STRC, halka lacagta kale loo reebay kayd ahaan. Saylor wuxuu sheegay in aysan isbeddelin kalsoonida ay shirkaddu ku qabto Bitcoin.

Clarity Act oo wajahaya dib u dhac

Saylor wuxuu sheegay in kaliya sharci cad uu horey u dhaqaajin karo Bitcoin, hase yeeshee Clarity Act weli looma qorsheyn in lagu soo daro jadwalka codbixinta Senate-ka, waxaana fasaxa billaha ah ka harsan keliya saddex maalmood.

Dib u dhaca waxaa sababay muran ku saabsan qodobbada anshaxa ee masuuliyiinta dowladda. Aqalka Cad ayaa soo-jeedin u diray Congress-ka, halka xubno ka kala tirsan labada xisbi ay gudbiyeen soo-jeedin kale oo aan weli laga bixin wax jawaab ah.

Dr. Mark T. Esper, Xoghayihii hore ee Difaaca Maraykanka, ayaa sheegay in sharciyeynta Cryptocurrency ay tahay arrin la xiriirta amniga qaranka. Wuxuu ku dooday in Maraykanku u baahan yahay inuu hoggaamiyo tiknoolajiyaddan, si uusan Shiinaha awood ugu yeelan inuu xukumo cidda geli karta nidaamyada maaliyadeed, uga baxsan karta cunaqabateynta ama ka dhuuman karta kormeerka. Esper wuxuu ka digay in toddobaadkan uu noqon karo fursaddii ugu dambeysay ee Clarity Act lagu meelmarin karo, ka hor inta uusan dib u dhicin sanad ama laba sano.

Bitcoin oo jooga heer taariikhi ah

Qiimaha Bitcoin wuxuu ku dhow yahay 200-Week Moving Average, oo ah celceliska qiimaha BTC ee 200-toddobaad ee ugu dambeeyay. Level-kan waxaa loo adeegsadaa in muddada dheer lagu qiimeeyo jihada guud ee suuqa.

Sida uu sheegay Michael Saylor, marka qiimaha Bitcoin ku soo dhowaado celceliskan, maalgeliyeyaasha qaarkood waxay u arkaan fursad wax-iibsi, gaar ahaan kuwa qorsheynaya inay Bitcoin haystaan laba ilaa afar sano.

W/Q: Eng. Abdishakur Mohamed

On sale products

Similar Posts