Trump oo Taageeray Hindise Sharciyeedkii Crypto! Maxaa xiga?

Maraykanka ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu doonayo in sharci cad loogu sameeyo suuqa Crypto-da, kadib markii White House-ka iyo Republicans-ka ay heshiis hordhac ah ka gaareen qodobbada anshaxa ee lagu darayo CLARITY Act.

Heshiiskan kama dhigna in la ansixiyey sharciga sababtoo ah xubnaha Democrats-ka qaar ayaa wali diiddan habka loo fulinayo qodobbada cusub, taasoo maalmaha soo socda ka dhigeysa kuwo aad ugu muhiim ah mustaqbalka sharciga.

Waa maxay CLARITY Act?

CLARITY Act waa sharci loogu talagalay in lagu maamulo Crypto-da Maraykanka. Ujeeddadiisu waa in la qeexo sida loo kala saaro hantida Digital-ka ah, hay’adaha awoodda u leh inay kormeeraan iyo waajibaadka saaran shirkadaha ka shaqeeya suuqa.

Muddo dheer, shirkadaha Crypto-da waxay ka cabanayeen in Maraykanku uusan lahayn sharci mideysan oo cad. Taasina waxay keentay in shirkado badan aysan garanayn hay’adda ay hoos tagaan ama xeerarka ay tahay inay raacaan.

Dadka taageersan sharcigan waxay rumaysan yihiin in CLARITY Act uu:

  • Xoojin karo Ilaalinta macaamiisha ama Consumer Protection.
  • Kala caddeyn karo awoodaha hay’adaha Federal-ka.
  • Siin karo hay’adaha sharciga awood dheeraad ah oo lagula dagaallamo dambiyada maaliyadeed.
  • Dhiirrigelin karo in shirkadaha Crypto-du ay ku sii shaqeeyaan gudaha Maraykanka.

Xayiraad la saarayo Madaxweynaha iyo saraakiisha Federal-ka.

Qodobka ugu muranka badan hindise sharciyeedkan cusub wuxuu khuseeyaa Madaxweynaha iyo saraakiisha kale ee Federal-ka.

Xeerkan wuxuu madaxda sare ka mamnuucayaa inta ay xilka hayaan inay faa’iido ka dhex raadiyaan, soo saaraan ama kafaala-qaadaan Digital Asset u gaar ah. Qodobkan ayaa si gaar ah muhiim u noqday kadib markii Donald Trump lala xiriiriyay mashaariic Crypto ah, oo ay ka mid yihiin $TRUMP Memecoin iyo World Liberty Financial.

Republicans-ka taageersan heshiiska waxay ku doodayaan in tani ay tahay xayiraad anshaxeed oo aan horay si gaar ah loogu dabaqin Madaxweynaha Maraykanka. Waxay sidoo kale sheegayaan in qofkii si ku talo gal ah u jebiya mamnuucidda lagu qaadi karo tallaabo waafaqsan sharciga.

Maxay Democrats-ku u diidan yihiin?

Khilaafka ugu weyn wuxuu ku saabsan yahay fulinta xeerka. Hindise sharciyeedkan wuxuu xeer ilaaliyaha guud siinaya awood uu dacwad madani ah ugu qaadi karo masuul kasta oo si ula kac ah u jebiya xayiraadda. Democrats-ka qaarkood waxay ku doodaan in waaxda cadaaladda ee DOJ, oo hoos timaada maamulka Madaxweynaha, aysan noqon karin hay’adda keliya ee baarta ama tallaabo ka qaadda Madaxweynaha.

Waxay sidoo kale diiddan yihiin in aan wood loo siin Xeer Ilaaliyeyaasha Guud ee gobollada iyo hay’ado kale si ay qodobbadaas u dhaqan geliyaan. Waxay aaminsan yihiin in loo baahan yahay hay’ad madax-bannaan oo fulisa xeerka, si xayiraaddu aysan u noqon mid keliya uun u jirta qoraal ahaan.

Senator Elizabeth Warren ayaa sheegtay in hindise sharciyeedku uu wali qabyo qoraal yahay sidaas darteed waxay ku doodday in Madaxweynaha loo oggolaan karo inuu sii haysto maalgelintii uu horey ugu sameeyey Crypto.

Si kastaba Taageerada Democrats-ka ayaa wali muhiim ah si sharcigu u helo codadka loo baahan yahay, waxaana xusid mudan in uu aad u kooban yahay waqtiga uu haysto Congress-ka, isla markaan ay u yaallaan hawlo kale oo waaweyn, sida maalgelinta dowladda iyo Defense Bill-ka, halka doorashada midterm-kana ay soo dhow dahay.

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Senate-ka John Thune ayaa qorshaynaya inuu hindise sharciyeedka Crypto-da horgeeyo Senate-ka toddobaadka soo socda, xitaa haddii aan heshiis lala gaarin Democrats-ka, sida ay sheegtay Bloomberg. Senate-ka waxaa hadda u haray inuu codbixinta qabto keliya 12 maalmo shaqo, inta uusan gelin fasaxa August.

Maxaa la gudboon Maalgashadayaasha Crypto?

Qof kasta oo ka shaqeeya Crypto waa muhiim inuu aad ula socda wararka la xiriira hindise sharciyeedkan, sababtoo ah wuxuu albaabka u furi karaa in shirkado waaweyn iyo maalgeliyaal billions ku soo tuuraan suuqa, isla markaana uu billowdo momentum cusub oo bullish ah.

On sale products

Similar Posts