Coins-ka ugu fiican ee laga faa’iideysan karo haddii uu fashilmo CLARITY Act

Suuqa Cryptoda ee Mareykanka ayaa si weyn isha ugu haya go’aanka laga gaarayo hindise sharciyeedka CLARITY Act, oo saamayn kara mustaqbalka shirkadaha iyo mashaariicda Blockchain-ka. Sharcigan waxaa loogu talo galay inuu kala saaro xeerarka lagu maamulayo hantida dhijitaalka ah, balse wali lama hubo inuu meel mar noqon doono.

Si sharcigu uga gudbo Golaha Senate-ka Mareyklanka, wuxuu u baahan yahay 60 cod. Xisbiga talada haya ee Jamhuuriga kaligiisna ma haysto codadkaas, taasoo ku qasbeysa inuu taageero ka raadiyo ugu yaraan toddobo xubnood oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ama xubnaha madax-bannaan. Muranka ugu badan wuxuu ka taagan yahay qodobbo la xiriira anshaxa, kormeerka iyo cidda awoodda u yeelanaysa inay kormeerto suuqa Cryptada.

Haddii uu meel mari waayo xeerka CLARITY Act, saamaynta uu ku yeelanayo coins-ka isku mid ma noqon doonto. Qaar ayaa si weyn ugu tiirsan sharciyada Mareykanka, halka coins-ka qaar leeyihiin adeegsi caalami ah, isla markaana haystaan taageerada hay’ado maaliyadeed oo waaweyn iyo adeegyo laga isticmaalo dalal badan.

Haddaba mashaariicdan waa kuwa ugu muhiimsan ee sii adkaysan kara, xitaa haddii uusan gudbin sharciga CLARITY Act.

1. Mustaqbalka Bitcoin Kuma xirna CLARITY Act

Bitcoin waxay jirtay sannado badan, waxayna sameysay koror waalli ah iyadoo aysan jirin sharciyo caalami ah oo lagu maamulo suuqa Crypto. Maanta waxay leedahay magac, suuq caalami ah iyo maalgeliyeyaal muddo dheer haysta.

Ansixintii ETF-yada Bitcoin ee Mareykanka ayaa u furtay suuqyada maaliyadeed ee caadiga ah, iyadoo shirkado waaweyn sida BlackRock iyo Fidelity ay durba maalgashi ku sameeyeen.

Sidaas darteed, Bitcoin waxaa loo arkaa coin-ka ugu wayn ee u adkaysan kara haddii uu meel mari waayo hindise sharciyeedkan CLARITY Act. Ansixinta sharcigan faa’iido ayey ku qabi kartaa BTC, laakiin mustaqbalka Bitcoin kuma xirna keliya sharcigan.

2. Ethereum: Waxaa doortay Hay’adaha Waaweyn

Ethereum waxay ka mid tahay mashaariicda sida weyn uga faa’iidi kara haddii la ansixiyo CLARITY Act. Hase yeeshee, waxay awood u leedahay inay sii kobocdo xitaa haddii sharcigu meel mari waayo.

Shirkadaha waaweyn sida BlackRock, Fidelity iyo JPMorgan ayaa Blockchain-ka Ethereum u adeegsanaya inay ku dhisaan adeegyo maaliyadeed oo tokenized ah, taasoo ka dhigan in hantida ka jirta suuqyada maaliyadeed ee caadiga ah lagu diiwaan gelinayo Blockchain-ka sida saamiyo, bonds ama real estate.

Awoodda Ethereum kuma koobna keliya technology-geeda. Waxay sidoo kale leedahay network ballaaran, liquidity badan, developers tiro badan iyo adeegyo horey ugu sii dhex shaqaynayay. Robinhood ayaa sidoo kale Ethereum ku dul dhisaysa Layer 2 u gaar ah. Tallaabadan oo sii xoojin karta kaalinta Ethereum ee tokenization-ka iyo real-world assets.

3. Bittensor: Isku Dhafka Crypto iyo AI

Bittensor, oo coin-keedu yahay TAO, waxay dhisaysaa network decentralized AI ah oo developers-ku ku tartamaan bixinta adeegyada AI ee ugu wanaagsan.

Qaar ka mid ah mashaariicda lagu dhisay Bittensor ayaa lagu daray Nvidia Inception, taasoo muujinaysa inay soo jiidatay dareenka shirkadaha waaweyn. Waxay ka faa’iidaysan kartaa hormarka AI, balse wali waa mashruuc cusub oo ka tabar yar Bitcoin iyo Ethereum.

4. XRP: Ripple Waxay la sii Shaqaynaysay Bankiyada

XRP waxay ka mid tahay altcoins-ka ugu taariikhda dheer suuqa. Shirkadda Ripple waxay sannado badan la shaqaynaysay bankiyada, shirkadaha xawilaadaha iyo hay’adaha maaliyadeed ee dalal badan.

Ripple maanta kuma koobna xawilaadda, waxayna bixisaa adeegyo ay ka mid yihiin custody, stablecoins iyo tokenization. Si kastaba, Ripple iyo XRP waa kala duwan yihiin, sidaas darteed guusha shirkaddu si toos ah uma xaqiijinayso kororka qiimaha XRP. Si kastaba Isticmaalka caalamiga ah ee Ripple ayaa XRP ka caawin kara inay sii adkeysato, xitaa haddii CLARITY Act uu meel mari waayo.

5. Adoption-ka Solana oo Sii Kordhaya

Solana waxay kamid tahay Smart Contract platform-yada sida weyn ula tartama Ethereum. Xawaare sare, kharash yar iyo ecosystem sii kobcaya ayaa usoo jiiday developers, traders, memecoins iyo stablecoins.

Haddii hay’adaha maaliyadeed iyo platform-yada trading-ka ay sii ballaariyaan taageerada SOL, isticmaalkeedu wuu sii kordhi karaa.

Coins-ka Kale ee Isha Lagu Hayo

  • BNB: Waxay leedahay isticmaaleyaal caalami ah, sidaas darteed kuma xirna keliya suuqa Mareykanka.
  • Dogecoin: Wuxuu leeyahay bulsho badan oo ku xiran, laakiin qiimihiisa wuxuu inta badan ku tiirsan yahay xamaasadda suuqa.
  • Chainlink: Wuxuu Blockchain-nada ku xiraa xogta iyo adeegyada dibadda, balse guusha Chainlink Labs si toos ah uma xaqiijinayso kororka qiimaha LINK.

CLARITY Act iyo Mustaqbalka Crypto

Haddii la ansixiyo CLARITY Act, wuxuu suuqa Crypto-da Mareykanka u horseedi karaa sharci cad iyo kalsooni dheeraad ah. Haddii uu fashilmo, waxaa saameynta ugu xun dareemi kara mashaariicda ku tiirsan suuqa Mareykanka.

FG: Macluumaadkan waa falanqayn guud, ma aha la talin dhaqaale iyo fikrad maalgashi. Samee baaritaan kuu gaar ah ka hor intaadan maalgelin.

W/Q: Eng. Abdishakur Mohamed

On sale products

Similar Posts