|

Hadii aan ogaan lahaa 10 sano ka hor !

Waxaan mar walba is waydiiyaa ka warran hadii aad ogaan lahaa 0-kii sano ee u dambeeyey waxyaabo badan oo waqtigu ibaray. 2023 ayaa hadda gaba gaba sii ah, ka warran hadii aan 10 sano ka hor 2013-kii ogaan lahaa xogta aan ka haayo sida ganacsiga Online-ka u shaqeeyo.

Technologyadu waxay sahashay in maanta aad noqon kartid milyanneer adigoo wali aan gaarin da’da 40-ka sano lakiin markii hore qofka markuu taajir noqonayo waxaa qasab ahayd inuu dhaxal helay oo waalidkiis taajir ahaa ama inuu tuug noqday oo xoolahaas waddon xun ay ku soo galeen.

Marka hore waxaan rabaa inaan adkeeyo sirta ugu muhiimsan nolosa ee aan is leeyahay qof walba oo fahma guul ayuu gaari karaa, waa macquul inay kula fududahay laakiin ha yaraysan hadii ay kaa goántahay inaad meel iska soo saarto.

Taladaas waa inaad aqriska badiso, ogowna qasab maaha inaad aqriso boqol buug lakiin hadii aad hal buug aqriso oo aad fahanto kuna dhaqanto waxay ka macno badan tahay adigoo aqriyay boqol buug oo aadan fahmin, tan kale ee muhiimka ah waxay tahay waligaa buug ha u aqrin sida qof loo sheekeynayo ee u qaado macluumaadka ku jira sida wax adiga kugu dhacay oo cashir kuu noqday kana digtonow qaladka qoraaga waaya aragga ah uu kaaga digayo inuu kugu dhaco hadii kale aqrintaadii ayaa waxba nacfi ah lahayn.

Aan u soo laabto, waayaha wuxuu ibaray inaysan qoomamadu macno lahayn oo ay tahay kaliya qalbi jab sidaas darteed ha ii fahmin inaan ka qoomamaynayo inaan macluumaadkan sii ogayn muddo dheer ee waxaan rabaa adiga inaadan qaladkeyga oo kale samayn oo aadan 2033-ka ogaanin macluumaadka aan sida freega ah kugu sheegayo maanta.

2013 iyo 2023 maxaan ogaaday 10-kaa sano?

Sanadkaas 2013, waxaan ahaa qoraa {blogger} wax ku qora in ka badan 7 website, qaarkood anigaa ahaa milkiilaha, waxaan ahaa saxafi u shaqeeya dhowr haayadood oo ku kala yaallay dalka iyo dibadda, waxaan lacagta ugu badan ka heli jiray website yadayda iyo kuwa aan la shaqeeynayay oo aan qaarkood tifaftire ka ahaa.

Waagaas waqtigu wuxuu ibaray in blog lacag laga samayn karo, waxaan aaminay in Internet-ka lacag fiican laga heli karo, waxaan is waydiiyay anigoo xasuus qorkayga dib u milicsanayo ka warran hadii aan maalintaas samayn lahaa maal gashi (Investment).

Ma aqoon maalintaas wax la yiraah Cryptocurrency, Stock Market iyo dhammaan suuqyada kale, qaarkood waxaan bartay 2014, qaar 2015-kii qaarna 2017-kii, Ugama harin inaan suuqyadaas magacooda barto laakiin waxaan geliyey waqti sanado ah inaan barto, ka shaqeeyo ama maal gashado, maanta wuxuu hanti ilaahay isiiyay 90% waxay iga soo gashay Online, waxyaabaha kale aan shaqeeyeyna waa maal gashi ka yimid asalkiisa Online marka waxaan dhihi karaa 100% waxaan hantidayda ka sameeyey Internet-ka.

Laakiin qiyaas hadii aan 2013, 10 sano ka hor maal gashi ku samayn lahaa suuq Cryptocurrency ! waagaas qiimaha halkii Bitcoin wuxuu ahaa $14 kaliya, wuxuu qiimaha gaaray $67,000 bishii october 2021-kii. hadii aan $100 kaliya maal gashan lahaa waxaa ku heli lahaa 7 xabbo oo BTC ah, boqolkaas dollar waxay ii noqon lahayd $478,571 (afar boqol kunoo dollar ka badan), Hadda maanta oo qoraalkan qoraya Sep. 2023 waxay maree halkii BTC $26,571.

Fikrad ayaa samayn karta maal qabeen !

Fikrad kama haysan wax la yiraah Crypto, ma aqoon wax la yiraah Bitcoin ilaa maalin anigoo Nairobi jooga oo siminnaar ku jira macallin Maraykan ah oo tababar na siinayay igu yiri Abdishakur waad u dhuun dalooshaa arrimaha internet-ka meeqa Bitcoin ah ayaad haysataa? runti maalinkaas ayaan ku baraarugay inay jirto wax Bitcoin la yiraah, baaritaan dheer oo aan sameeyey waxaan ogaaday in Blockchain yahay technologyada Mustaqbalka, in Cryptocurrency meesha ka saari doonto lacagaha ay dowladuhu maamulaan.

Sidee u sameeyey $14,000 anigoo maal gashaday $200?

Cryptocurrency waxaa ku billaabay $200 oo waliba aan u geliyey qaab training ah markaa baraanayay 8 sano ka hor. Waxaan iska illaabay magaca exchange-gii ama suuqii aan ka gatay, waxaan illaabay user iyo password kii laakiin waxaa cajiib ah mar dambe oo aan usoo jeestay ganacsigan ayaa maalin iska xasuustay userkii iyo password-kii, waxaa ugu tagay akoonkaygii $14,000, waan aamini waayay, refresh ayaan dhowr jeer dhahay maalinkaas wixi ka dambeeyey waxaan fulltime uga shaqaystaa suuqa Cryptocurrency.

Adiga Maxaa kula gudboon?

Kuma dhahaayo Suuqan maal gasho iyo ha samayn laakiin waxaan rabaa in qoraal kayga kuu noqdo wake up call, hurdadana ka kacdid oo u soo jeesatid inaad wax ka qabsatid dunidan DeFi-ga Decentralized finance.

Hadii aad rabto macliimaad dheeri ah halkan ka aqriso.
Sidee lacag looga sameeyaa Cryptocurrency?

You may be interested in…

Your cart is currently empty!

Browse store


New in store

Similar Posts