Hadii aadan samayn 5-taan qodob heer ma gaari doontid !

Jimce wanaagsan asxaabta qiimaha badan, arrintaan aadey iga yaabisay runtii dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa dalka gudihiisa ku nool ee aan dunida soo marin wax badanaa ka qaldan, waana muhiim mararka qaar inaan runta isu sheegno. qormadan waa yara dheertahay hadii aadan aqriska ku fiicnayn ama caajis badan tahay iska dhaaf markale oo firaaqo tahay u dib dhigo.

Hadaa sii aqrinayso macnaheeda waa inaad diyaar u tahay inaad fahato marka soo dhawow.

Waa run ma jogno iskuul, waxaan nahay dad doonistooda ku saaxibay oo macluumaad wixi khayr ku jiro inay is dhaafsadaan jecel markay sidaas tahay waxaa muhiim ah inaad la timaado qdobadan hoose, hadii aadan intaan samayn karin walalkeyow waa hubaa maalin aadan waqtiga dib u celin karin ayaad ka qoomamayn doontaa.

  1. Hurdada ka kac, ulama jeedo inaad hurdadi caadiga ahayd ku jirtid lkn waxaan rabaa inaan kuu caddeeyo hadii aadan samayn qodobada soo socda waxa ku jirtaa hurdo, maahsanan, ama waa ka maqan tahay dunida o waxba ma dhaantid qof dhinty markaan sidaas leeyahay waxaan u la jeedaa hadii aadan tartanka dunida qayb ka ahay waxba ma dhaantid qof dhintay marka wake up please. Walaalkeyow waxay u badan tahay inaan kaa waynahay da’ ahaan lkn waa hubaa kaama aqoon badni, mana jiro qof dadka dhan ka qoon badan waayo wax badan oo aanan aniga aqoon ayaad taqaan waana wax ilaahay aadanaha noloshooda ku qurxiyay lkn inta yar ee aan aniga fahamsanahay ayaan kula wadaagayaa.
  2. Noosha adduunka waa imtixaan, natiijadana waxaa heleysaa marka aad dhimatid waligaa ogow daqiiqad ku dhaaftay iyo salaad ku dhaftay sooma noqdaan marka aniga iyo adigaba aan ilaalinno salaadda oo ah camalka haduu kuu hagagao Adduunkaaga iyo aakhiradaada labadaba hagaayaan.
  3. Hadii aad rabtid inaad guulaysato, walaalkeyow jadwal noloeed yeelo, adkayso waa ogoahay waa wax aad u dhib badan in la raaco jadwalka, lkn qofka salaadda ilaaliyo jadwal kastana waa ilaalin karaa, jadwalka haduu maalin ama laba kaa qaldamo waa sixi kartaa lkn ha iska dhaafin hadii maanta ama birri ama isbuuc sidi aad qorsheysay kuugu shaqayn waayo.
    Waxaa jiro laba xanuun (Pain) oo ay qasab tahay inaad kala dooratid, xanuunka koowaad waa inaad adkaysato oo jadwaalkaaga aqbasho oo aad ka baxdo xeendaabka qanacsanaanta wax gaaladu dhahaan Comfort Zone, xanuunka labaad waa inaad shallaayso oo aad aragto facaa oo adduun iyo aakhiro tacbaday adigana aad ka qoomamayso inaad is dhigatay.
  4. Jadwalka ugu fican muxuu yahay, waxaan kugula talin lahaa inaad aroortii salad subax markaa tukato dib aadan ugu laaban hurdada, jimicsi hadaa heli karto samey ama socod, hadii kale howlahaaga ugu muhiimsan ku billow maalintaada sida inaa aqriso quraan, buug celmi ah, ama daawato cashirro naftaada hormarin kara, waana inaad xasuusnaato inaad habeenkii hore u seexato si aroortii kuugu fududaato inaad soo kacdo adoo energy leh.
  5. Walaalkeyow hadii aad waxbaratay oo nasiib u yeelatay inaad jaamacad ka baxdo ama dugsi sare ka baxday intaas kuguma filno, shaqooyin badan waxaa suuqa ka saartay kana saari doonta technologyada, is waydii dadkii taarka ka shaqaysan jiray, dadki ka shaqaysan jiray Internet cafe-yada, shaqooyinka badankood waxaa isbeddel wayn ku samayn doonta technologyada, marka waa muhiim inaad xirfado yeelato, tusaale aniga shaqo inaan shirkad u shaqeeyo waxaan iska joojiyay dhowr sano ka hor waxaana income iga soo galaa 6 meel kala duwan, saas ay tahay iskuma xirna time kayga iyo shaqada, taas macnaheedu maaha inaan wali safe ahay lkn waxaan diyaar u ahay inaan u guuro meesha technologyada u guurto, barto aqoonta la iiga baahan yahay marka please ha isku hallayn digriiga jaamacadda kaliya ee xirfado yeelo.

Maxaan ku dhibsaday dhallinyarada?

Dhallinyarada hadda soo baxayso waxay rabaan in Bluetooth lagula shubo aqoon sanado kugu soo qaadatay inaad barato, macluumaad waaya aragnimo 15 sano ah ayay rabaan inay ku daawadaan muuqaal hal daqiiqo ah xataa malaha dulqaad ay qoraalkaan ku aqriyaan waxaa ku furan deg deg.

Midda labaad dhallinyarada hadda soo kacayso hadaa tahay please noqo open minded waxay u yaqaanaan oo ah qof maan furan oo u diyaarsan inuu wax fahmo, midna ha hilmaamin ma jiro qof wax walba ku bari kara qofka wuxuu ku siin karaa furaha adiga ayaa la rabaa inaad research badan samayso, dadaasho, nqooto qof bisil oo meel iska soo saari kara.

Waa muhiim inaad iska saxdo qaab xiriirka bulshada, qof aadan waligaa arkin ama aadan aqoon shaqsi ah u lahayn ha ula hadlin sida qof saaxibkaa ah markaa qofka xiriir la samayso email ama WhatsApp maankaaga ku haay inaad la hadlayso akoon shaqo oo marba qof joogo, ogowna WhatsApp-ka maaha tool lagu sheekeysto wuxuu hadda noqday aalad lagu shaqaysto waxaana macquul ah inuu dhowr laptop ka furan yahay oo dhowr qof support team ah ku shaqayneyso.

Waxaan kugula talinayaa inaad adiga noqoto qofka aad jeceshahay inaad noqotid waxba soo kordhin mayso inaad qof muuqaal saacado free kugu soo diyaariyay wacdo, waxaa ka fiican inaad raacdo tilmaamaha, wixi kugu adkaadana sii baarto oo YouTube-ka ama meelaha kale ka raadiso, ogowna hal maalin wax kasta laguma baran karo.

Gaba gabadii

Aniga 2010-kii hadii aan heli lahaa qof i hago, internet fiican, ama uu jiri lahaa YouTube sida maanta uga buuxaan free tutorials, ama sida koorsooyinka duuban ee lagu ceshan karo intaas jeer jiri lahaayeen runtii waxyaabaha qaar oo dhib badan u soo maray sahal ayaan ku baran lahaa.

Waqtiga wuxuu ibaray inaanan sahashan hadalka qof wayn ka soo yeeray, nin waaya arag ah ayaa la waydiiyay maxaa kula talin lahayd qof da’yar oo haatan qaan gaaray wuxuu ku jawaabay aniga hadda waxaan ahay waayeel howl gab ah waxaan dhihi lahaa qofka tala iwaydiiyaa “Naftaada ha qiyaamin waligaa” markaa keligaa tahay naftaada la hadlayso been ha u sheegin hana iska dhaadhicin birri ayaan isa sixi doonaa hadda istaag, ilaahay bari dadaalkana la imow, awoodaada adeegso ilaahay xor ayuu kaa dhigay kuna mahad naq caafimaadka iyo caqliga.

Walaal Eng. Abdishakur

Xaqiiji #Isbeddel

Similar Posts