Sidee Facebook uga samayn kartaa $1,000 bil kasta?

Hadii ay tahay markii ugu horraysay ee aad maqasho in Facebook lacag laga sameeyo way kugu adkaan kartaa inaad durbadiiba fahamto waxyaabaha aan uga hadli doono qormadan kooban, hadii aad taqaanid saaxib ama qof familkaaga ah oo Facebook lacag ka sameeyo, muuqaallo u soo geliyo si joogta ah markaas way fududahay inaad adigana fahamto oo lacagtaas ka samayso ama ka badan inta saaxibkaa sameeyo.

Marka hore maxaa u baahan tahay ?

Si aad Facebook lacag uga samayso waxaad u baahan tahay 5 shay oo asaasi ah hadii shantaan shay midkood kaa maqan yahay lagama yaabo inaad lacag ka samayso Facebook, waxaa kuu fiican inaad qormadan iska aqrisato kadibna danahaada kale iska raacato hadiise ay kaa goántahay shantaanba waa heli kartaa.

  • Rabitaan dhab ah ama waxaa loo yaqaan ((Desire) waa inaad u hamuun qabto inaad noqoto qof iskiis u shaqaysta oo lacag fiican sameeya, bishii ilaa $1,000 waa kugu filan tahay hadaa Soomaaliya joogtid, hadii aadan Soomaaliya joogin xataa nolosha asaasiga ah waa kugu filan tahay, marka waa in baahi lacageed oo xad dhaaf ah ama karti saaíd ah leedahay hadii qodobkaan uusan jirin 4-ta kale waxba kama qaban kartid.
  • Waa inaad ku nooshahay qurbaha tusaale Yurub, Maraykanka, Asia sida Sacuudiga, UAE ama South Africa, halkan ayaad ka aqrisan kartaa liiska wadamada loo oggol yahay (Eligible countries ) hadii aadan wadamadan joogin waa in qof ehelkaaga ah ama asxaabtaada ah oo ku kalsoontahay ku nool yahay wadamadan diyaarna u yahay inuu ku caawiyo, wixi macluumaad ahna kula wadaago.
  • Waa inaad leedahay Bank Account, hadii aad ku nooshahay wadamada qurbaha ee la oggol yahay ama saaxibkaa ku nool yahay waa inaad haysato ama saaxibkaa haysto Bank Account.
  • Waa inaad samaysato Facebook Page, waana inaad buuxiso shuruudaha Facebook kaa rabo oo kala ah, inaad 5 muuqaal soo geliso page kaaga, inuu page kaaga samaysan yahay 30 cesho, in page kaaga la daawado 60,000 oo daqiiqo, in page kaaga uu haysto 5,000 followers iyo in ugu dambayn page kaaga uusan xad gudub horey ugu samayn shuruucda Facebook.
  • Qodobka ugu dambeeya wuxuu gaar u yahay dadka Soomaaliya jooga, hadii aad ku nooshahay dalkii hooyo ama wadamada aan loo ogolayn xayaysiiska Facebook waa inaa inaad haysato server, waa computer dal eligible ah yaal kaasoo aad ka dhex galayso mobile kaaga ama computer kaaga.

Xagee wax ka billaabaa?

Hadii aad u baahan tahay oo ay kaa goántahay inaad Facebook lacag ka samayso isku tiirsanaato oo aadan cid kale u baahan dhaqaale ahaan waa inaad la timaadid dadaal, annaga waxaan bixinnaa adeeg aan ku caawinno dhallinyarada ay ka goántahay in Facebook lacag ka sameeyaan, waxaa adeegyadaas kamid ah in talo lagu siiyo meesha aad wax ka billaabeyso iyo sida ugu fudud, inaad shuruucda Facebook raacdid, inaad heshid server ama computer dal sharci ah yaal oo kuu suurta gelinayaa inaad muuqaalladaada ka soo gashatid dalka uu joogo qofka account-kiisa lacagta kugu soo dhacayso.

Halkan ayaad ka soo dalban kartaa adeegyadaas.

Similar Posts

13 Comments

  1. Saxb wad mahadsantahy cashirad aaad baan uwada dawday inta badan wali ima sura galin inan lacag ka sameyo waxan joga Asi wadanka qatar waxan jaclani lahay in aad I cawiso Facebook 4.776 ban haysta peg malihi balse Facebook porfil kama sameyni karaa

  2. Haa wall waxaa rabaa Inaan Facebook page lacag kasameeyo dibada qof kama aqaani waxaan rabaa inla icaawiyo

  3. In aan facebook lacag ka sameeyo waa riyadeeda ugu weyn aan lee yahay midaas alle ka soke adiga ii rumeyn karo all abdishakur.

  4. Waxaan heestaa page facebook waxaa ku xiran 2.4k dad ah waxaan rabaa in layga caawiye server ka iyo monizationka

  5. Wll abdishakuur waan ku salaamay
    Wllhi waan jeclahay facebook iyo yutube ina lacag ka sameeyo kana soo muuqdo social mediyaha waxan joogaa soomaliya waan jeclahay guusha lkn garab istaag caawimaad kaa rabnaa sida
    U xaqiijin laheeyn riyooyinkeena ustaad
    Waad mahadsan thy sida wanaaga nala jeclshay wll ku jecel lagahelaa naga caawi adoo mahadsan🙏

  6. Thnks staad lkn 5tii billood ee u dambaysay wan Ku raadinaayay Inaan is helnaana waa igu adkayay marar badan WhatsApp kaa Soo wacay adigoo mahdsn see isku Heli karnaa??

  7. Asc zxb mrk hore wngsn
    Mrk xigta zxb waxan heysta facbok page waxan joga somalia gar ahan muqdishu waxa aad i dhibta facbog pagkg waxa rawa in aan lacag ka sameysto premire bank ayan leeyahay aya ku xariiryay wuxu igu wareeriyay xaysiis sameys xayeysiizkasi lacg ayu iha jirta accounkg banka igu so dhacay in lacagta layaga jartay sidasi iyado thy dhaq dhaqaq pagekg wn arka lkn illa hadda waxa fahmi la,ahay lacg aniga igu so dawaco page vedio maso geliyo marark qaarkod qoral aya so dhiga iyo game aan ka dhelo ayuu follors igu si kordho oo kliya,waxan rawa inad iga cawiso xayeysiiskan faraha bdn aan lacg ku arkin aniga inad xal igu shegto haday macqul thy..

  8. Wall waxaa raabaa inaad igacaawiso sidaa facebook lacag ugasameen lahaa mahasanid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *