Sidee lacag looga sameeyaa Cryptocurrency?

Sida lacag looga samayn karo Cryptocurrency adigoo jooga Soomaaliya kama duwana markaad joogtid Mareykanka. Marka la is bar bar dhigo dadka qurbaha ku nool iyo kuwa Somalia ku nool waxaa suurta gal ah inuu faaíido qabo qofka dalkii jooga waayo dadka qurbaha ku nool waxaa saaran canshuur xad dhaaf ah kuma sii jirto marka ay ka ganacsanayaan Crypto.

Sida la wada fahamsan yahay Crypto-currency waa erey dhashay sanadkii 2008-dii kadib dhaqaale burburkii dunida, maadaama bankiyadii lacagta daabacayay iyo sicir bararkiiba qaati laga istaagay waxaa timid fikraddan Bitcoin oo ah in la helo lacag aanay cidi maamulin oo ku shaqaysa Technology-adda Blockchain.

Sidee looga shaqaystaa Cryptocurrency?

Markaad rabtid inaad ka shaqaysatid suuqyada caalamiga ah ee Crypto waa inaad marka hore akoon furatid, waxaa jira in ka badan 535 suuq oo caalami ah, laakiin waxaa ugu caansan Binance, Coinbase, Kraken iyo Kucoin. Suuqyadaan midba wax ayuu ku fiican yahay.

Hadii aad ku nooshahay Mareykanka waxaa kuu fiican Coinbase, hadii aad haysato passport iyo document waxaa kuu fiican Binance haddiise aad Africa ku nooshahay waxaa kugula talinayaa Kucoin oo aan kaa rabin wax aqoonsi iyo passport ah ilaa 2 BTC.

Sidee Suuqyadan Akoon looga furtaa?

Inaad akoon ka furatid suuqyadan uma baahna wax shuruud ah, waxaad furan kartaa akoon adiga kuu gaar ah kadibna waxaad ku shuban kartaa lacag, kadibna waad ka ganacsan kartaa adigoo soo iibsanaya ama iska sii iibinaya coins-ka ugu fiican.

Sidee Lagu ogaan karaa Coins-ka fiican ee faaíido leh

Si’aad u ogaatid Coin-ka fiican ee Faaíido leh waxaa qasab ah inaad marka hore soo baartid muxuu ka shaqeeyaa coin-kaan? Coin kasta wuxuu salka ku hayaa Project ama mashruuc loogu tala galay, inta aadan lacagtaada gelin waa inaad soo baarto, hadii aadan aqoon sida macluumaadkaas loo helo waa baran kartaa wax dhib badan maaha.

Tusaale hadaan u soo qaato Bitcoin oo ah Coin-kii ugu horreeyey lacagta Cryptocurrency waxaa loo sameeyey in la helo lacag ka madax bannaan dowladaha iyo bankiyada, sidaa darteed Bitcoin waxay ku shaqaysaa Blockchain mana jirto dowlad gaar ah oo sheegan karta, si’lamid ah Coin kasta wuxuu xalliyaa mushkilad jirta.

Cryptocurrency Xalaal Miyaa?

Waa suáal is waydiin leh Cryptocurrency ama Crypto xalaal miyaa mise ma aha, laakiin qofka suáashan ku waydiinaya waa qasab ma aha qof yaqaan ama baaray celmiga Crypto, Ganacsiga Crypto wuxuu lamid yahay ganacsi kasta oo ka jira Adduuunka, xalaal iyo xaaraan labaduba waa leeyahay.

Waxaa jira coins ka shaqeeya mashaariic xaaraan ah dabcan waxay noqonayaan xaaraan, waxaa sidoo kale jira kuwa ka shaqeeya mashaariic xalaal ah si’aad u ogaatid coin-kaan inuu xalaal yahay ka baar website-kaan. Halkan taabo.

Meeqaa u yar Lacagta Crypto lagu maal gashan karo?

Hadii aad is waydiinayso suáashan waxaa tahay qof xiisaynaya inuu billaabo ka ganacsiga iyo maal gashiga suuqan, taladayda intaan u gelin waxaan kuu sheegayaa suuq kasta intaadan lacag gelin marka hore baro kadib adigoo aan qasaarin ayaad faaíido helaysaa.

Waxaa is waydiin kartaa sidee ku baran karaa? Waxaad qaadan kartaa koorsooyin ku habboon baahidaada, Hadii aad tahay arday waad baran kartaa hadii aad tahay qof hantiile ahna waad maal gashan kartaa, halkan ayaad ka heleysaa macluumaadka. Crypto Course

Hadii aan suáashaadii u soo laabto meeqa lacag ah ayaa ugu yaraan ku billaabi karaa Crypto? Waxaad ku billaabi kartaa $100 iyo xataa ka yar ilaa $50 laakiin markasta waxaa qasab ah inaad taqaan sida $100 loogu helo faaíido ilaa $1000.

Bitcoin iyo Cryptocurrency Maxay kala yihiin?

Cryptocurrency waa lacag digital ah waxaana adduunka maalinta qoraalkan aan qorayo ka jira in ka badan 23,000 oo coin laakiin Bitcoin waa nuucii ugu horreeyey ee lacagtan digital-ka ah.

Halkii xabbo ee Bitcoin ah qiimihiisa wuxuu ahaa 2009-kii wax ka yar hal sinti, Markii qiimaha Bitcoin uu gaaray hal dollar adduunka oo dhan ayaa yaabay laakiin halkii xabbo ee Bitcoin ah qiimihiisa wuxuu 2021-kii gaaray $67,000, hadda qiimaha wxuuu marayaa $23,000 waxaana la saadaalinayaa inuu gaaro $100,000 sanadkaan gudihiisa.

Hadii aad i waydiiso ma maal gashan karaa Cryptocurrency waxaan ku dhihi lahaa waxaa la joogaa waqtigii saxda ahaa ee ku habboonaa maal gashiga Cryptocurrency. Waxaan kugula talinayaa marka hore baro kadibna maal gasho.

Eng. Abdishakur Mohamed

Similar Posts