Farriin Culus oo ku wajahan Maalgashadayaasha Crypto iyo AI

Xogta Sicir-bararka Maraykanka ee Consumer Price Index (CPI) ayaa muujisay hoos-u-dhicii bille ee ugu weynaa tan iyo 2020, taasoo si degdeg ah kor ugu qaadday Suuqa Crypto, gaar ahaan Bitcoin, Ethereum iyo Altcoins-ka. Sidoo kale, Federal Reserve-ka ayaa dardargelinayaa xeerarka Stablecoin-ka, halka guddoomiyaha Fed-ku uu AI ku tilmaamay isbeddelkii Technology ee ugu weynaa taariikhda. Haddaba maxaa la filan karaa?

Suuqa Crypto-da ayaa kor u kacay kaddib markii xogta cusub ee Inflation-ka Maraykanka muujisay in qiimaha badeecadaha iyo adeegyadu hoos u dhaceen bishii June.

Consumer Price Index (CPI), oo lagu cabbiro isbeddelka qiimaha ay macaamiishu bixiyaan, ayaa bishii June hoos u dhacay 0.4%, taasoo ahayd hoos-u-dhicii bille ee ugu weynaa tan iyo 2020. Marka sannadkii la barbar dhigo, Inflation-ku wuxuu gaaray 3.5%, halka Core CPI, oo aan lagu darin cuntada iyo tamarta, uu hoos ugu dhacay 2.6%.

Hoos-u-dhaca waxaa qayb weyn ka qaatay qiimaha tamarta, gaar ahaan shidaalka. Energy Index-ku wuxuu bishii June hoos u dhacay 5.7%, halka qiimaha shidaalku uu hoos u dhacay 9.7%.

Maxay xogtani uga dhigan tahay suuqa Crypto-da?

Xogta Inflation-ka oo ka fiicnaatay sidii la filayay waxay si degdeg ah u kordhisay Risk-on Sentiment-ka, taasoo ah marka maalgashadayaashu ku dhiirradaan Assets-ka khatarta badan sida Crypto iyo saamiyada Technology-ga.

Ethereum ayaa kor u kacday in ka badan 4%, halka Bitcoin iyo Altcoins badan ay kor u kac fiican sameeyeen. Sababta ugu weyn ayaana ah in Inflation-ka oo yaraada uu hoos u dhigi karo baahida loo qabo in Federal Reserve-ku kordhiyo Interest Rates-ka.

Marka Interest Rates-ku sare u kaco, maalgashadayaashu waxay inta badan lacagta u wareejiyaan Assets-ka khatarta yar. Laakiin haddii Interest Rates-ka la hakiyo ama la dhimo, lacag badan ayaa ku soo qulquli karta Bitcoin, Ethereum, iyo Altcoins.

Hase yeeshee, hal warbixin oo CPI ah kuma filna in la xaqiijiyo in ay hoos u dhacayaan Interest Rates-ka. Guddoomiyaha Federal Reserve-ka Kevin Warsh wuxuu sheegay in Fed-ku aanu weli ku dhawaaqi karin inuu ka adkaaday Inflation-ka, maadaama heerka 3.5% uu wali ka sarreeyo bartilmaameedki ahaa 2%.

Sidaas darteed, kor-u-kaca hadda ee Suuqa Crypto-da wuxuu ku salaysan yahay rajada maalgashadayaasha, balse weli ma jiro wax dammaanad qaadaya in Federal Reserve-ku bilaabi doono Interest Rate Cuts.

Federal Reserve-ka oo dardargelinaya xeerarka Stablecoin-ka

Kevin Warsh wuxuu Congress-ka u sheegay in Federal Reserve-ku uu si degdeg ah uga shaqaynayo xeerarka lagu hirgelinayo GENIUS Act.

GENIUS Act waa sharciga Maraykanka ee dejinaya qaab sharciyeed loogu talagalay Payment Stablecoins, sida USDT iyo USDC. Sharcigan waxaa la saxiixay bishii July 2025, wuxuuna hay’adaha maaliyadeed ku amray inay diyaariyaan xeerarka lagu fulinayo.

Federal Reserve-ka ayaa haysta waqti kama dambays ah oo ku eg Sabtida, July 18, 2026. Kevin Warsh wuxuu sheegay in Fed-ku si degdeg ah uga shaqaynayo sidii xeerarka loo soo saari lahaa waqtigaas, isla markaana hay’adaha maaliyadeed ay si wadajir ah u soo bandhigi lahaayeen xeerar isku dhafan.

Xeerarku waxay diiradda saari doonaan:

  • Shuruudaha laga rabo shirkadaha soo saara Stablecoins-ka
  • Nooca Reserve Assets-ka ee lagu dammaanad qaadayo Stablecoin kasta
  • Heerarka Reserve Requirements iyo Collateral Ratios
  • Xuquuqda macaamiisha ee Stablecoin-ka ugu beddelan kara lacag rasmi ah
  • Ilaalinta hantida iyo danaha macaamiisha
  • Maareynta khataraha iyo Capital Requirements-ka laga rabo shirkadaha soo saara Stablecoins-ka.

Sharciyo cad waxay kordhin karaan kalsoonida Stablecoins-ka, waxayna u fududayn kara bangiyada, shirkadaha lacag-bixinta iyo maalgashadayaasha waaweyn inay si ballaaran u isticmaalaan.

Ethereum iyo Solana ma ka faa’iidi doonaan?

Ethereum iyo Solana waxay ka mid yihiin Blockchain-nada waaweyn ee lagu soo saaro laguna kala diro Stablecoins-ka gudaha Maraykanka.

Haddii isticmaalka Stablecoins-ku bato, waxaa kordhi kara Transactions-ka, Liquidity-ga iyo adeegyada DeFi ee ku shaqeeya shabakadahan. Tani waxay kordhin kartaa baahida loo qabo ETH iyo SOL.

Laakiin ma aha in xeer kasta oo Stablecoin ah uu si toos ah u kordhin karo qiimaha ETH ama SOL. Saameynta dhabta ahi waxay ku xirnaan doontaa nooca xeerarka la ansixiyo, kharashaadka Compliance-ka iyo Blockchain-nada ay doortaan shirkadaha waaweyn.

Fed-ka oo AI u arka isbeddel dhaqaale oo taariikhi ah

Warsh wuxuu sidoo kale AI ku tilmaamay isbeddelkii Technology ee ugu weynaa ee uu arkay intii uu qaangaar ahaa. Wuxuu sheegay in AI uusan ahayn keliya Product cusub, balse uu beddelayo habka iyo xawaaraha hal abuurka. Haddii AI-du raacdo jidkii Technology-yadii waaweynaa ee hore, waxay kordhin kartaa wax soo saarka, mushaharka iyo kobaca dhaqaalaha Maraykanka.

Aragtidiisa, AI-du waxay kordhin kartaa wax-soo-saarka shaqaalaha, halkii ay kala wareegi lahayd shaqooyinkooda. Si kastaba, wuxuu qiray in muddada dhow ay meesha ka saari karto ama wax ka beddeli karto shaqooyinka qaarkood.

Hyperliquid iyo Phantom oo dalbanaya xeerar u gaar ah DeFi

Hyperliquid Policy Center iyo Phantom Wallet ayaa CFTC ka codsaday in DeFi aan lagu maamulin xeerarkii loo sameeyey bangiyada, Broker-rada iyo Exchanges-yada soo jireenka ah.

Waxay ku doodayaan in Onchain Protocols iyo Non-custodial Wallets ay yihiin Software-ro iyo qalab ay dadka isticmaalaan, balse aysan iyagu gacanta ku hayn lacagta macaamiisha.

Waxay doonayaan in:

  • Developer-ka qoraya Onchain Software aan si toos ah loogu aqoonsan Exchange
  • Non-custodial Wallets aan loola dhaqmin sidii Brokers
  • Shirkadaha nidaamsan loo oggolaado inay isticmaalaan Blockchain Infrastructure
  • Self-custody-ga, oo qofku isaga gacanta ku hayo Assets-kiisa, si gaar ah loo ilaaliyo

Codsigan wuxuu muujinayaa in shirkadaha DeFi ay doonayaan xeerar aqoonsanaya farqiga u dhexeeya adeegyada soo jireenka ee haya lacagta macaamiisha iyo Software-ka aan Assets-ka dadka gacanta ku hayn.

CLARITY Act oo maraya marxalad muhiim ah

Senator Cynthia Lummis waxay sheegtay in maalmaha soo socda la soo bandhigi doono qoraalka ugu dambeeya ee CLARITY Act.

Sharcigan wuxuu caddeynayaa sida loo kala saaro Crypto Assets-ka iyo hay’adda awoodda u leh inay nidaamiso. Wuxuu sidoo kale isku dayayaa inuu soo afjaro muranka muddada dheer u dhexeeya SEC iyo CFTC.

Taageerayaasha sharcigu waxay doonayaan in la ansixiyo ka hor fasaxa Congress-ka ee bisha August. Si kastaba, sharcigu weli wuxuu wajahaya khilaafaad la xiriira Ethics, Anti-Money Laundering iyo awoodaha hay’adaha maaliyadeed. Sidaas darteed, waqtiga loo qorsheeyey ansixinta sharcigu ma dammaanad qaadayo in Congress-ku si degdeg ah u meelmarin doono.

Elon Musk oo iska fogeeyey kor u qaadista Crypto-da

Elon Musk wuxuu sheegay inuusan qorshaynayn inuu xayeysiiyo Crypto. Wuxuu sidoo kale ka digay in farriin kasta oo loo arko inuu si xooggan u buunbuuninaya Crypto aysan ka imaan isaga.

Musk wuxuu sheegay inuu weli Bitcoin u arko mid faa’iido leh, isla markaana uu Dogecoin u jecel yahay Memes coins-ka. Laakiin hadalkiisa cusub wuxuu muujinayaa inuu doonayo inuu iska fogeeyo saameyntii xoogganayd ee uu hore ugu lahaa qiimaha Dogecoin iyo Crypto-da kale.

Maxaa la filan karaa?

Suuqa Crypto-da waxaa hadda taageeraya saddex arrimood oo waaweyn: Inflation-ka oo yaraaday, xeerarka Stablecoin-ka oo gabo gabo ah iyo rajada laga qabo in AI-du kordhiso Wax soo saarka dhaqaalaha.

Hase yeeshee, maalgashadayaashu waa inaysan u qaadan in arrimahan ay dammaanad qaadayaan Bull Market cusub. Inflation-ku wali wuxuu ka sarreeyaa bartilmaameedka Fed-ka, Suurtagalnimada in Federal Reserve-ku kordhiyo Interest Rates-ka wali meesha kama bixin. Xeerarka Stablecoin-ka iyo CLARITY Act-na wali waxay ku jiraan marxalado sharciyeed oo natiijadooda kama dambaysta ahi isbeddeli karto.

W/Q: Eng. Abdishakur Mohamed

On sale products

Similar Posts