10-ka Coin ee Ugu Fursad Fiican Suuqa

Suuqa Crypto waxaa ku socda isbeddel ay hoggaaminayaan Tokenization, Institutional Adoption iyo On-Chain Finance. Laakiin 10-kan Coin kee haysta fursad dhab ah, kee baase ku dhisan saadaal iyo buunbuunin?

Waxaa muuqda calaamado muujinaya in hoos u dhacii xoogganaa ee Suuqa Crypto uu gabo gabo ku dhow yahay. Inkastoo Bitcoin ay weli ka sii hoos mari karto qiimaha ay hadda joogto, haddana Maalgashadayaasha qaar waxay rumaysan yihiin in suuqu galay marxalad la urursanayo coins-ka qiimahoodu hooseeyo.

Rajadaas waxaa qayb weyn ka qaadanaya koritaanka Tokenization-ka. Waa habka Stocks, Bonds, US Treasuries iyo Hantida kale ee traditional-ka ah loogu wareejiyo Blockchain-ka. Hanti ku dhow $30 billion ayaa durba la geliyey On-Chain, waxaana la filayaa inuu si weyn u ballaarto Tokenization-ku marka la gaaro 2030.

Waxaa sidoo kale isu soo dhowaanaya Traditional Finance iyo Crypto. Bangiyada, shirkadaha Maareeya Hantida iyo hay’adaha waaweyn ayaa diyaarinaya adeegyo ay ka mid yihiin Crypto Custody, Staking, ETFs iyo Tokenized Assets.

Haddaba aan isla eegno 10-ka coin xalaasha ah ee ugu fursad fiican xilligan, waxaa jira coins aad u shidan laakiin aan iska daayay maadaama mashruucooda la xiriiro waxyaabo xaaraan ah, coins-kaas waxaan arkaa arday badanoo isoo weydiiyo laakiin waxaa xalaalnimadooda ku jira shaki sida AAVE, HYPE iyo LIT Lighter.

Avalanche (AVAX)

Avalanche waxay ka faa’iidaysan kartaa isku soo dhowaanshaha DeFi iyo Traditional Finance. Waxay dhisaysaa Blockchain degdeg ah oo hay’aduhu ku dabooli karaan baahidooda. Fursadda AVAX waxay ku xiran tahay in adeegyada maaliyadeed ee waaweyn ay si dhab ah ugu soo wareegaan Blockchain-ka.

BNB Chain iyo Uniswap

BNB Chain waxaa loo arkaa mashruuc si tartiib ah uga soo dhex muuqanaya tartanka Institutional Adoption-ka. Waxaa kordhay US Treasuries-ka loo beddelay Digital Tokens ee lagu trade gareeyo BNB Chain.

Uniswap-na waxay sii xajisaneysaa kaalinteeda suuqa ee Decentralized Exchange-ga. Dadka sida maalinlaha ah ugu trade gareeya ee Daily Active Traders-ka ayaa la sheegay inay toddobaad gudihiis toban jibbaarmeen oo ay dhaafeen ilaa 220,000 user.

Tani waxay muujin kartaa inuu sii ballaaranayo Decentralized Trading-ka. Laakiin koror muddo gaaban ah laguma xaqiijin karo in isticmaalkaasi sii socon doono mustaqbalka.

Solana

Solana waxay ka mid tahay Blockchain Networks-ka ugu xooggan dhinaca Real-World Assets-ka. Waxaa la sheegaa inay leedahay in ka badan 300,000 oo qof oo haysta Hanti Dhab ah oo lagu Tokenize-gareeyey shabakaddeeda.

Rajada laga qabo Solana waxaa xoojinaya Tokenized Equities, Protocol Upgrades iyo qorshayaasha lagu kordhinayo awoodda Blocks-ka. Taageerayaasheedu waxay aaminsan yihiin in horumarinta shabakaddeedu ka dhaqso badan tahay Ecosystems badan oo la tartamaya.

Canton Network

Canton Network weli aad uma caan bixin sida coins-ka waa weyn ee suuqa Crypto-da, laakiin waxaa si gaar ah loogu dhisay bangiyada iyo hay’adaha maaliyadeed.

Mashruucani wuxuu isku dayayaa inuu xalliyo caqabadaha ka dhasha kala duwanaanshaha sharciyada dalalka. Qayb kastoo shabakadda ka mid ah waxay yeelan kartaa Privacy Rules, Permissions iyo Compliance Requirements u gaar ah.

Tani waxay hay’adaha u oggolaan kartaa inay isticmaalaan Blockchain iyagoo ilaalinaya xogtooda gaarka ah, isla markaana raacaya shuruucda waddamada ay ka howl galaan.

Ethereum

Ethereum, illaa iyo hadda waxay laf dhabar u tahay Tokenized Finance-ga. Waxay leedahay Ecosystem ballaaran, iyo Smart Contracts badan. Muddo dheer ayayna ku jirtaa suuqa marka la bar bar dhigo inta badan Shabakadaha Blockchain ee la tartamaya.

Hay’adaha waaweyn waxay muhiimad gaar ah siiyaan Security, Liquidity iyo kalsoonida shabakadda. Arrimahaas ayaa Ethereum siin kara faa’iidooyin dheeraad ah marka Hantidi soo jireenka ah la keenayo On-Chain.

Laakiin waxaa sii xoogaysanaya tartanka kaga imanaya Solana, BNB Chain iyo Avalanche. Waxaa sidoo kale muhiim ah in koritaanka shabakadaha Layer 2-ga ay qiime iyo dakhli ku filan dib ugu soo celiyaan Ethereum Mainnet-ka.

NEAR Protocol

NEAR Protocol waxay wax ka beddel ku samaynaysaa Tokenomics-keeda, iyadoo Annual Inflation-ka Token-keeda horay looga dhimay 5% ilaa 2.5%. Waxaa sidoo kale socota dood ku saabsan in Inflation-ka la sii yareeyo ama la sameeyo qaab kale oo lagu abaalmariyo Validators-ka xaqiijiya Transactions-ka, isla markaana ilaaliya amniga shabakadda.

Yaraynta Inflation-ku waxay hoos u dhigi kartaa Tokens-ka cusub ee soo galaya suuqa. Laakiin taas keliya ma kordhin karto qiimaha NEAR. Shabakadda waxay weli u baahan tahay Users, Developers, Applications iyo dakhli joogto ah.

XRP iyo Chainlink

Mashruuca XRP wuxuu ka faa’iidaysan karaa haddii Blockchain-ku qayb weyn ka noqdo nidaamka maaliyadeed ee caalamka. Ripple waxay xoogga saartaa Payments, Settlement iyo lacagaha xawilaadaha.

Chainlink-na waxay bixisaa Oracles iyo Cross-Chain Infrastructure, kuwaasoo Shabakadaha Blockchain-ka ku xira xogta iyo nidaamyada ka baxsan shabakadda.

Haddii Stocks, Bonds iyo Hanti kale lagu Tokenize-gareeyo Blockchain-ka, Chainlink waxay door weyn ka ciyaari kartaa xaqiijinta qiimaha, gudbinta xogta iyo isku xirka Shabakadaha kala duwan.

Cardano

Cardano waxay doonaysaa inay ballaariso DeFi Ecosystem-keeda iyadoo adeegsanaysa RealFi, Governance Upgrades iyo adeegyo loogu talagalay dadka aan si wanaagsan u helin adeegyada bangiyada.

RealFi-ga waxaa la filayaa inuu kordhiyo qiimaha Hantida lagu xiro Applications-ka Cardano, tirada Transactions-ka iyo isticmaalka Stablecoins-ka. Dadku waxay Hantidooda ku maalgelin karaan Smart Contracts, kadibna waxay qayb ka heli karaan faa’iidada.

Si kastaba ha ahaatee, Cardano waxaa muddo dheer lagu dhaliilayay gaabiska horumarinta iyo hirgelinta adeegyada cusub. Sidaas darteed, mashruucyadeeda laguma qiimeyn karo keliya ballanqaadyo.

Zcash

Zcash wuxuu diiradda saaraa ilaalinta Privacy-ga Transactions-ka Crypto-da. Wuxuu dadka siiyaa ikhtiyaar ay ku qarin karaan Hantida, xaddiga lacagta iyo faahfaahinta Transactions-kooda.

Taageerayaasha mashruucan waxay aaminsan yihiin in Privacy iyo Fungibility ay muhiim u noqon doonaan lacagta Dijitaalka ah. Fungibility waxaa loola jeedaa in Coin kasta uu la qiime yahay Coin-ka kale ee ay isku nooca yihiin, iyada oo aan loo eegayn halka uu ka yimid ama Transactions-kii hore loogu sameeyey.

Waxaa la saadaaliyey in Zcash uu mustaqbalka gaari karo 10% Market Cap-ka Bitcoin. Saadaashaas waa mid mala-awaal u badan. Zcash wuxuu sidoo kale wajahaysaa cadaadis sharci iyo suurtagalnimada in Exchanges-yada qaarkood ay xaddidaan Privacy Coins-ka.

Dar-daaran

Ka hor inta aadan iibsan mid ka mid ah coins-kaan, waa muhiim ah inaad baarto:

  • Market Cap-ka
  • Token Unlocks
  • Inflation-ka
  • Revenue-ga mashruuca
  • Daily Active Users
  • Developer Activity
  • Liquidity-ga
  • Habka Token-ku qiime uga helayo isticmaalka shabakadda

W/Q: Eng. Abdishakur Mohamed

On sale products

Similar Posts