Maxaadan ogayn oo ku soo wajahan suuqa Crypto?

Caqabaddii ugu weyneyd ee hortaagnayd Crypto Clarity Act ayaa u muuqata inay meesha ka baxayso. Haddii Senate-ku ansixiyo sharcigan, wuxuu si weyn u beddeli karaa sharciyada Cryptada ee Mareykanka, wuxuuna suuqa u furi karaa Capital cusub oo ka imanaya Bankiyada iyo Maalgashadayaasha waaweyn.

Hindise sharciyeedka Crypto Clarity Act, oo hadda horyaalla Senate-ka Mareykanka, ayaa helay fursad lagu ansixin karo, kadib markii Aqalka Cad la sheegay inuu aqbalay xeerar Anshaxeed oo ay dalbanayeen qaar ka mid ah xubnaha Xisbiga Democraatiga.

Xeerarkan cusub ayaa looga gol leeyahay in lagaga hortago danaha is diiddan Conflict of Interest, lagu adkeeyo shuruudaha Disclosure-ka, isla markaana lagu xoojiyo ilaalinta Maalgashadayaasha. Walaaca ugu weyn wuxuu ahaa in Madaxweyne Trump iyo qoyskiisu ay awoodda dowladda uga faa’iideysan karaan ganacsiyadooda iyo maalgashigooda Crypto.

Wariye Eleanor Terrett ayaa sheegtay in Aqalka Cad uu qoraalka cusub u diray qaar ka mid ah xubnaha Senate-ka ee xisbiga Jamhuuriga.

Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent ayaa dhankiisa sheegay in hindise sharciyeedka Clarity Act uu marayo heer uu aad ugu dhow yahay heshiis kama dambeys ah.

Maxaa Weli La Isku Haystaa?

Senator Kevin Cramer ayaa sheegay in Dimuqraadiyiinta ay hadda dib u eegayaan wax ka beddelka cusub. Waxay ku doodayaan in awoodda fulinta sharciga la siiyo Xeer-ilaaliyeyaasha Guud ee gobollada, halkii loo dhiibi lahaa Waaxda Cadaaladda ee Department of Justice, DOJ.

Weli waxaa jira muran ku saabsan qeexidda Securities Intermediaries iyo sida sharcigu ula dhaqmi doono mashaariicda Decentralized-ka ah. Cramer wuxuu sheegay in heshiiska laga gaarayo sharciga uu aad ugu dhow yahay, balse ay muhiim tahay in arrinta la dhammaystiro ka hor fasaxa Senate-ka ee August.

Muxuu hindise sharciyeedkan Muhiim Ugu yahay Crypto?

Sharciga GENIUS Act ayaa dejiyey xeerarka Stablecoins-ka, laakiin Clarity Act waxaa la filayaa inuu caddeeyo sida guud ahaan loo maamuli doono suuqa Crypto-da ee Maraykanka.

Sharcigu wuxuu Bankiyada, Fintechs-ka, Broker-Dealers iyo shirkadaha xawaaladaha siin karaa sharci cad oo ay ku dhistaan Crypto Infrastructure muddo dheer shaqayn kara.

Haddii ay wada shaqeeyaan labada sharci ee Clarity Act iyo GENIUS Act, waxay kordhin karaan la qabsiga hay’adaha maaliyadeed ee Institutional Adoption-ka, lacagaha Liquidity-ga iyo maalgelinta soo galaysa suuqa Crypto-da.

Maxaa laga filan karaa Bitcoin?

Maadaama ay korortay Rajada laga qabo meel marinta Clarity Act, Bitcoin waxay u muuqataa inay ku dhawaatay $67,000. Hase yeeshee, qiimuhu wuxuu wali la tacaalayaa iska caabbinta Resistance muhiim ah oo dhowr jeeroo hore laga soo celiyay.

Si kororkani u sii socdo, Bitcoin waxay u baahan tahay Breakout xooggan oo ay taageerayaan Trading Volume badan iyo Capital cusub oo soo gala suuqa. Haddii qiimuhu ka sare maro $73,000 oo uu halkaas ku nagaado, waxaa loo arki karaa calaamad Bullish ah oo xooggan.

Haddii la ansixiyo, Clarity Act wuxuu kamid noqon karaa sharciyada ugu muhiimsan ee qeexaya mustaqbalka Bitcoin, Stablecoins iyo guud ahaan suuqa Crypto-da ee Maraykanka. Si kastaba, waa inaadan u qaadan in wararka la xiriira sharciga cusub ay dammaanad qaadayaan in qiimaha Crypto-da uu si toos ah kor ugu kici doono, mar walba samee baaritaan DYOR.

W/Q: Eng. Abdishakur Mohamed

On sale products

Similar Posts