Maxaa bishan August laga filan karaa Suuqa Crypto? Solana iyo Ethereum👀
Suuqa Crypto ayaa muujinaya calaamado soo kabasho, iyadoo Bitcoin ay kor u dhaaftay $64,000. Xogta wanaagsan ee dhaqaalaha Maraykanka, cadaadiska iibka oo yaraaday iyo Bitcoin badan oo laga saarayo exchange-yada ayaa xoojiyay rajada laga qabo in suuqu sameeyo dhaqaaq fiican.
Hase yeeshee, tani ma xaqiijinayso in bull market uu bilowday. Calaamaduhu waxay muujinayaan rajo, laakiin suuqa Crypto ayaa weli si lama filaan ah jihadiisa u beddeli kara.
Dhaqaalaha Maraykanka oo xoogaystay
ISM Manufacturing PMI oo ah cabbir bishii hal mar la soo saaro oo muujiya xaaladda dhaqaale ee waaxda warshadaha ee dalka Maraykanka ayaa gaaray 55.6, wuxuuna ka sarreeyaa saadaashii ahayd 54. Tiro kasta oo ka sarreysa 50 waxay muujinaysaa in wax-soo-saarku kobcayo.
PMI waxay ka sarreysay 52 muddo toddoba bilood oo xiriir ah. Taariikh ahaan, xaalado sidan oo kale ah waxaa mararka qaar xigi jiray koror ku yimaada Suuqa Crypto. Marka warshadaha Maraykanku helaan dalabaad badan, dakhligooduna kordho, waxay awoodaan inay ballaariyaan wax-soo-saarka, shaqaale cusub qortaan, isla markaana qayb ka mid ah faa’iidadooda geliyaan suuqyada maaliyadeed sida Crypto.
Bitcoin badan oo khasaaro lagu iibiyay
Maalgeliyeyaal badan oo Bitcoin ku iibsaday qiime sare ayaa hadda qiime hoose ku iibiyay iyagoo weli ku jira khasaaro. Tani waxay muujin kartaa inay suuqa ka baxayaan dadkii cabsida badnaa, cadaadiska iibkuna yaraanayo.
Xaaladdan waxaa loo yaqaannaa capitulation, waxayna mararka qaar dhacdaa xilliyada uu suuqu ku dhow yahay inuu ka soo kabto hoos u dhac weyn. Si kastaba, tani ma xaqiijinayso in Bitcoin ay gaartay qiimaheedii ugu hooseeyay.
Maxaa Bitcoin looga saarayaa exchange-yada?
Bitcoin badan ayaa laga saarayaa exchange-yada, halkii lagu soo shubi lahaa. Badanaa tani waxay muujisaa in milkiilayaashu doonayaan inay muddo dheer haystaan BTC.
Haddii ay yaraato Bitcoin-ta u diyaarsan in la sell gareeyo, qiimaha BTC si degdeg ah ayuu u kici karaa marka demand-ku soo laabto. Laakiin dhaq-dhaqaaqan keliya laguma xaqiijin karo jihada suuqa.
Maxaa keenaya rajada in ay dhaqaaqdo Bitcoin?
Dhaqdhaqaaqa qiimaha Bitcoin ayaa aad u yaraaday, xitaa wuxuu 30 maalmood ah ka hooseeyay qaar ka mid ah stocks-ka tiknoolajiyadda.
Xasilloonida noocan ahi waxay inta badan ka horreyn kartaa dhaqdhaqaaq weyn. Laakiin lama hubo in dhaq-dhaqaaqa xiga uu noqon doono koror ama hoos-u-dhac. Bitcoin waxay weli dib ugu noqon kartaa agagaarka $60,500 ka hor inta aysan caddeyn jihada ay aadeyso.
Hay’adaha waaweyn oo blockchain-ka soo gelaya
Hay’adaha maaliyadeed ayaa sii ballaarinaya isticmaalka Ethereum, Solana iyo tokenized funds. Tani waxay muujinaysaa in blockchain-ka loo adeegsanayo adeegyo maaliyadeed oo ka baxsan iibka iyo kaydinta Crypto.
Clarity Act ayaa sidoo kale muhiim u ah suuqa. Haddii la ansixiyo, Maraykanka wuxuu yeelan doonaa sharciyo Crypto oo cad, taasoo kordhin karta kalsoonida shirkadaha iyo maalgeliyeyaasha. Hase yeeshee, weli lama hubo meelmarinta xeerkan.
Maxaa hadda muhiim ah?
August waxay Crypto u noqon kartaa bil wanaagsan haddii uu sii xoogaysto dhaqaalaha, Bitcoin-na ay ilaashato heerarka ay hadda ku laa laabaneyso. Waxaa sidoo kale suuragal ah in mustaqbalka ay lacagta u wareegto Ethereum, Solana iyo altcoins kale.
Calaamadaha ugu muhiimsan waa:
- Bitcoin oo kor u dhaaftay $64,000
- PMI oo gaaray 55.6
- Cadaadiska iibka oo yaraaday
- Bitcoin badan oo laga saarayo exchange-yada
- Hay’adaha waaweyn oo blockchain-ka adeegsanaya
- Rajada laga qabo sharciyo Crypto oo cad
Guud ahaan, suuqu wuxuu muujinayaa rajo soo laabasho, laakiin weli lama hayo calaamadoa muujinaya koror weyn. Waa inaad taxaddartaa oo aadango’aankaaga ku salayn keliya saadaal.
W/Q: Eng. Abdishakur Mohamed
On sale products
-
Cryptocurrency Best Trading Course
Original price was: $49.$19Current price is: $19. -
Investment And Trading Course
Original price was: $99.$29Current price is: $29.


