Bitcoin oo Markale Kor u Kacday: Ma billowday Bull Run mise waa dabin?
Suuqa cryptocurrency-ga ayaa muujinaya dhaqdhaqaaq xooggan, iyadoo Bitcoin ay maalmo kooban gudaheed kor u kacday kumannaan dollar. Dhaqdhaqaaqan ayaa soo celiyay rajadii maalgashadayaasha, balse su’aasha muhiimka ahi waxay tahay: kor u kacani ma yahay bilowga bull run cusub, mise waa dhaqdhaqaaq soconaya muddo gaaban?
Qaar ka mid ah khubarada dhaqaalaha iyo bangiyada waaweyn ayaa xaaladda hadda jirta la barbar dhigaya wixii dhacay bishii March 2023, markaasoo burburkii Silicon Valley Bank iyo bangiyo kale oo Maraykan ah uu beddelay jihada suuqa Crypto iyo Bitcoin.
Go’aannada Maraykanka oo Saamayn Kara Suuqa
Laba dhacdo ayaa hadda si weyn isha loogu hayaa.
Tan koowaad waa qorshe ay waddo Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka. Xoghayaha Maaliyadda, Scott Bessent, ayaa la sheegay inuu tixgelinayo dib-u-iibsiga bonds-ka, isagoo adeegsanaya qayb ka mid ah lacagta ku jirta Treasury General Account, oo ah akoonka ugu weyn ee dowladda Maraykanku ku leedahay Federal Reserve-ka ama Bankiga dhexe.
Haddii qorshahan la fuliyo, waxaa suuqa geli karta liquidity dheeraad ah. Taariikh ahaan, marka lacag badan lagu soo daayo nidaamka maaliyadeed, qayb ka mid ah waxay u gudubtaa hantida halista badan sida stocks-ka iyo cryptocurrency-ga.
Dhacdada labaad waa khudbadda guddoomiyaha Federal Reserve, Kevin Warsh, ee shirka Jackson Hole. Maalgashadayaashu waxay si gaar ah u dhegaysan doonaan hadalladiisa ku saabsan inflation-ka, interest rate-ka iyo siyaasadda lacageed ee Federal Reserve.
Haddii uu Warsh muujiyo inuusan qorshaynayn kor u qaadista interest rate-ka, ama uu suuqa siiyo tilmaamo cad oo ku saabsan xogta uu Fed-ku ku salaynayo go’aannadiisa, waxaa suurtagal ah in suuqyada maaliyadeed ay si wanaagsan uga falceliyaan.
Professor Jeremy Siegel, oo ah dhaqaale-yahan caan ah, ayaa sheegay in haddii Federal Reserve-ku caddeeyo xogta uu ku salaynayo go’aannadiisa, suuqu uu sameyn karo kor u kac xooggan. Wuxuu sidoo kale saadaaliyay in warbixinta PCE inflation-ku ay la mid noqon karto ama ka hoos mari karto filashada suuqa, taasoo yarayn karta cadaadiska lagu saarayo Federal Reserve-ka inuu kordhiyo interest rate-ka.
Maxay Xaaladdan u shaabbahdaa March 2023?
March 2023, Silicon Valley Bank iyo bangiyo kale oo Maraykan ah ayaa burburay. Xilligaas Bitcoin waxay ku dhowayd $25,000, cabsi badan ayaana ka jirtay nidaamka bangiyada.
Jeffrey Kendrick oo ka tirsan Standard Chartered ayaa xilligaas saadaaliyay in Bitcoin ay gaari karto $100,000 dhammaadka 2024. Saadaashaas ugu dambayn way rumowday.
Kendrick wuxuu aaminsan yahay in xaaladda hadda jirta ay leedahay astaamo la mid ah kuwii March 2023. Sababta ugu weyn waa in mar kale la hadal hayo kordhinta liquidity-ga, su’aalo la xiriira madax-bannaanida Federal Reserve-ka iyo xasilloonida nidaamka maaliyadeed.
Bitcoin waxaa loo sameeyay inay noqoto hanti aan ku tiirsanayn hal bangi ama maamul dhexe. Sidaas darteed, marka kalsoonida bangiyada ama nidaamka lacagta caadiga ahi yaraato, maalgashadayaal badan ayaa Bitcoin u arka meel kale oo ay hantidooda ku kaydsan karaan.
Short Squeeze oo Kor u Qaaday Bitcoin
Kor u kaca Bitcoin kuma iman keliya iibsasho cusub. Qayb ka mid ah kororka waxaa sababay short squeeze. Maalgashadayaal badan ayaa filayay inuu qiimaha Bitcoin hoos u dhacayo, sidaas darteed waxay fureen short positions. Markii uu qiimuhu si lama filaan ah kor ugu kacay waxaa qasab noqotay in khasab lagu xiro positions-kaas.
Sida ay muujineyso xogta CoinGlass, qiyaastii $4 billion oo short positions ah ayaa la liquidate-gareeyay. Tani waxay sii xoojisay kor u kaca, sababtoo ah xiritaanka short position-ku wuxuu suuqa ka abuuri karaa iibsasho dheeraad ah. Bitcoin ayaa sidoo kale la sheegay inay maalmo kooban gudaheed korodhay qiyaastii $15,000.
Lacagta ETF-yada oo Soo Laabanaysa
Calaamad kale oo muujinaysa in xiisaha Bitcoin uu soo noqonayo waa lacagta dib ugu soo qulqulaysa spot Bitcoin ETF-yada Maraykanka.
Sida lagu sheegay falanqaynta, ETF-yadan waxaa toddobaad gudihiis soo gashay lacag gaareysa qiyaastii $1.5 billion. Haddii maalgashadayaasha waaweyn iyo hay’adaha maaliyadeed ay sii wadaan iibsashada Bitcoin, demand-ka sii kordhaya wuxuu kor u sii qaadi karaa qiimaha Bitcoin.
Si kastaba ha ahaatee, kor u kac uu inta badan sababay short squeeze keligiis ma caddeynayo inuu billowday bull run muddo dheer soconaya. Si kor u kaca suuqu u noqdo mid waara, waxaa loo baahan yahay iibsasho joogto ah, lacag badan oo ku soo qulqulaysa ETF-yada iyo xaalad dhaqaale oo taageeraysa maalgashiga hantida halista badan.
Bitcoin Ma Gaari Kartaa $100,000 Dhammaadka Sanadkan?
Standard Chartered ayaa ku adkaysanaya saadaasheeda ah in Bitcoin ay gaari karto ugu yaraan $100,000 dhammaadka sanadkan.
Saadaashu waxay ku salaysan tahay dhowr arrimood:
- Liquidity dheeraad ah oo suuqa geli karta
- Interest rate-ka oo aan la kordhin
- ETF inflows oo soo laabanaya
- Short positions badan oo la xiray
- Maalgashadayaasha waaweyn oo kordhin kara iibsashada Bitcoin
$100,000 ma aha natiijo la hubo. Haddii inflation-ku kor u kaco, Federal Reserve-ku qaato siyaasad adag ama ETF-yadu la kulmaan outflows, jihada suuqu si degdeg ah ayay isu beddeli kartaa.
Saadaasha Fog: Bitcoin oo Gaarta $500,000 Sanadka 2030
Standard Chartered waxay sidoo kale saadaalisay in Bitcoin ay gaari karto $500,000 dhammaadka 2030.
Jeffrey Kendrick wuxuu Bitcoin la barbar dhigayaa dahabka. Dahabku wuxuu leeyahay suuq aad uga weyn kan Bitcoin, waxaana muddo dheer isticmaali jiray bangiyada dhexe, shirkadaha iyo maalgashadayaasha waaweyn.
Fikraddiisu waa in maalgashadayaasha haysta dahabka iyo Bitcoin ay weli haystaan Bitcoin aad u yar. Haddii hay’adaha waaweyn ay kordhiyaan saamiga ay ku maalgashadaan Bitcoin, demand-ka cusub wuxuu si weyn u dhaqaajin karaa qiimaha, maadaama Bitcoin ay leedahay supply xaddidan.
Waxaa sidoo kale tartiib u yaraan karta volatility-ga Bitcoin marka suuqu weynaado. Tani waxay u fududayn kartaa shirkadaha, pension funds-ka iyo maalgashadayaasha hay’adaha inay lacag badan geliyaan.
Maxay ila tahay?
Dhaqdhaqaaqa hadda ka socda suuqa crypto-ga wuxuu muujinayaa in kalsoonidii maalgashadayaashu dib u soo noqonayso. Liquidity suurtagal ah, siyaasadda Federal Reserve, ETF inflows iyo short squeeze ayaa dhammaantood taageeraya kor u kaca Bitcoin.
Laakiin saadaasha ah in Bitcoin ay gaari doonto $100,000 dhammaadka sanadkan ama $500,000 sanadka 2030 waa aragti ay soo bandhigeen khubaro iyo hay’ado maaliyadeed. Ma aha wax la dammaanad qaadi karo.
Maalgashadayaashu waa inay kala saaraan kor u kac ka dhashay short squeeze iyo bull run ay taageerayaan iibsasho joogto ah iyo isbeddel dhaqaale oo waara. Suuqa cryptocurrency wuxuu leeyahay fursado waaweyn, laakiin sidoo kale wuxuu leeyahay khatar iyo volatility aad u sarreeya.
W/Q: Abdishakur Mohamed
On sale products
-
Cryptocurrency Best Trading Course
Original price was: $49.$29Current price is: $29. -
Facebook Monetization Course
Original price was: $75.$29Current price is: $29. -
Investment And Trading Course
Original price was: $99.$49Current price is: $49.



