Hoos-u-dhac Kale Miyaa ku soo wajahan Bitcoin iyo suuqa Crypto?
Suuqa Crypto-da waxaa hadda saameynaya dhowr arrimood oo waaweyn, oo ay ka mid yihiin go’aanka dulsaarka ee Federal Reserve-ka Mareykanka, walaaca laga qabo sicir-bararka, isbeddellada suuqyada caalamka iyo dib-u-dhaca sharciyada Crypto-da ee Mareykanka.
Inkastoo Bitcoin ay weli ka sarreeyo $60,000, haddana waxaa suuqa ka muuqata hubanti la’aan. Maalgashadayaashu waxay isku dayayaan inay fahmaan in xaaladda hadda jirta tahay bilowga soo kabasho cusub iyo inuu weli soo socdo cadaadis keeni kara hoos u dhac kale.
Fed-ka oo Halkiisii Ku Haya Dulsaarka/Ribada
Bankiga dhexe ee Mareykanka oo loo yaqaan Federal Reserve-ka ayaa go’aamiyay in heerka dulsaarka lagu sii hayo 3.50% ilaa 3.75%. Go’aanka waxaa taageeray sagaal xubnood, halka saddex xubnood ay ka aragti duwanaayeen.
Waxa ugu muhiimsan ee laga dheehan karo go’aankan Fed-ka ma aha keliya in heerka dulsaarka aan waxba laga beddelin, balse sidoo kale waa in Fed-ku uu weli mudnaan siinayo sidii sicir-bararka loogu soo celin lahaa 2%.
Haddii uu sicir-bararku hoos u dhici waayo, Fed-ku wuxuu bilaha soo socda mar kale kordhin karaa dulsaarka. Haddii ay taasi dhacdo, waxaa cadaadis soo wajihi karaa Bitcoin, Altcoins-ka, Stock Market-ka iyo hantida kale ee khatarta badan, sababtoo ah marka dulsaarku sarreeyo, maalgashadayaal badan ayaa lacagtooda u wareejiya meelaha laga heli karo dakhli joogto ah, iyagoo ka fogaanaya suuqyada qiimahoodu aadka isu beddelo sida Crypto-da.
Saddex Kulan Ayaa Fed-ka U Harsan 2026
Fed-ka waxaa sannadkan u harsan saddex kulan oo waaweyn, kuwaasoo la filayo inay qabsoomaan September, October iyo December. Suuqu wuxuu hadda saadaalinayaa saddex arrimood oo dhici kara:
- In dulsaarka aan waxba laga beddelin oo halkiisa lagu sii hayo.
- In dulsaarka la kordhiyo haddii sicir-bararku hoos u dhici waayo.
- In Fed-ku hoos u dhigo dulsaarka haddii uu weli liito dhaqaalaha.
Go’aan kastoo Fed-ku qaato wuxuu saameyn ku yeelan karaa qiimaha Bitcoin iyo guud ahaan suuqa Crypto-da. Sidaas darteed, traders-ka iyo maalgashadayaashu waa inay si dhow ula socdaan xogta sicir-bararka, xaaladda suuqa shaqada iyo wararka kasoo baxaya madaxda Fed-ka.
Hay’adaha Waaweyn Oo Kusoo Jabaya Crypto
Inkastoo hubanti la’aan ay ka jirto suuqa, haddana hay’adaha maaliyadeed waxay sii kordhinayaan adeegyada Crypto-da. Waxaa si gaar ah loo xiiseynayaa Ethereum iyo Solana, iyadoo la soo bandhigayo ETP-yo u fududeynaya maalgashadayaasha waaweyn inay ku maalgashadaan suuqyada traditional-ka ah.
Shirkadaha S&P Dow Jones iyo Pantera Capital ayaa sidoo kale sameeyay Crypto index cusub oo ka kooban 18 coin oo ay kamid yihiin Ethereum, BNB, Solana, Tron iyo HYPE. Index-kan wuxuu hay’adaha maalgashiga ka caawinayaa inay la socdaan waxqabadka Crypto-da leh adeegsi dhab ah iyo dhaqdhaqaaq dhaqaale oo muuqda.
Hindise sharciyeedka CLARITY Act Oo Wajahaya Dib-u-dhac
CLARITY Act waxaa loogu talagalay in lagu caddeeyo sida loo maamulayo suuqa Crypto-da iyo hay’adaha masuulka ka noqonaya. Inkastoo shirkado iyo hay’ado maaliyadeed ay dalbanayaan in la ansixiyo, haddana waxaa gabaabsi sii ah waqtiga Congress-ka uga harsan fasaxa August.
Haddii Congress-ku ansixin waayo sharciga, SEC waxay soo saari kartaa xeerar u gaar ah. Laakiin xeerarka SEC ma yeelan doonaan xasilloonida uu horseedi karo sharci uu ansixiyay Congress-ka.
Bitcoin Ma soo kabaneysaa?
Bitcoin waxay muujinaysaa adkeysi, inkastoo cadaadis badan uu ka jiro suuqa. Calaamadaha qaarkood waxay muujinayaan in ay daalayaan sellers-ka, qiimuhuna uu bilaabay inuu ku xasilo inta u dhexeysa $58,000 iyo $65,000. Aagga $50,000 ilaa $58,000 waxaa loo arkaa support xoog leh. Si kastaba, weli lama xaqiijin inuu dhammaaday hoos-u-dhicii.
Ethereum Oo tartan gelinaysa Bitcoin
Ethereum waxay sameysay dhaqaaq ka badan Bitcoin. Haddii xaaladdani sii socoto, waxay keeni kartaa in maalgashadayaashu lacagta u wareejiyaan Ethereum iyo Altcoins-ka kale.
ETF-yada, Staking rewards-ka, Smart Contracts-ka iyo xiisaha hay’adaha waaweyn ayaa taageeraya Ethereum. Hase yeeshee, hal koror oo keliya laguma xaqiijin karo bilowga Altcoin Season. Waxaa loo baahan yahay in awoodda Ethereum ay muddo sii socoto.
Maxaa Laga Filan Karaa Suuqa?
Suuqa waxaa isku mar ka muuqda fursado iyo khataro. Hay’adaha waaweyn waxay kordhinayaan adeegyada Crypto-da, Bitcoin waxay muujinaysaa adkeysi, Ethereum-na waxay yeelaneysaa xiiso cusub. Dhinaca kale, sicir-bararka, dulsaarka qaaliga ah iyo dib-u-dhaca CLARITY Act ayaa weli cadaadis saaraya suuqa.
W/Q: Eng. Abdishakur Mohamed
On sale products
-
Cryptocurrency Best Trading Course
Original price was: $49.$19Current price is: $19. -
Investment And Trading Course
Original price was: $99.$29Current price is: $29.


