Shiinaha oo Maraykanka Kala Wareegaya Suuqa AI-da
Hal sano kahor, 72% isticmaalka OpenRouter waxaa gacanta ku hayay AI Models-ka Maraykanka. Maanta saamigooda wuxuu ka hoos maray 33%, halka Models-ka Shiinuhu ay in ka badan kala bar la wareegeen suuqa. Waxaa intaas ka sii yaab badan in xayiraadihii Maraykanku kusoo rogay Shiinaha ay ku qasbeen inuu sameeyo AI ka jaban, kana waxtar badan dhinaca kharashka.
Muddo dheer, Maraykanka ayaa loo arkayay dalka sida buuxda u hoggaaminaya tartanka Garaadka Samayska ah ee AI. Shirkadaha OpenAI, Google iyo Anthropic ayaa gacanta ku hayay Models-ka ugu awoodda badan, halka Shiinaha loo arkayay inuu weli dambeeyo. Laakiin xogta cusub ee laga helayo OpenRouter waxay muujinaysaa in xaaladdu deg deg isu beddelayso.
OpenRouter waa Platform ay Developers-ku ka heli karaan AI Models kala duwan. Hal sano kahor, AI Models-ka Maraykanka ayaa maamulayay qiyaastii 72% dhammaan AI Traffic-ga OpenRouter. Maanta, saamigooda waxaa la sheegay inuu ka hoos maray 33%, halka AI Models-ka Shiinuhu ay la wareegeen in ka badan 50% AI Traffic-ga Platform-ka.
DeepSeek oo laga leeyahay Shiinaha ayaa hadda hoggaaminaya isbeddelkan, wuxuuna keligiis maamulaa qiyaastii 16% ilaa 18% AI Traffic-ga OpenRouter, taasoo ka badan saamiga Google iyo OpenAI. Guushiisa kuma salaysna keliya awoodda Model-ka, balse waxaa door weyn ka ciyaaray kharashka AI Inference-giisa oo aad uga jaban kharashka AI Models-ka Maraykanka.
Shirkadaha Maraykanka oo adeegsanaya AI Models-ka Shiinaha
Qiimaha AI Inference-ga, oo ah kharashka ku baxa mar kasta oo AI Model-ku farsameeyo Request kana soo saaro jawaab, ayaa culays wayn ku noqday shirkadaha isticmaala AI-da.
Shirkadda Lindy ayaa sheegtay in kharashkeeda AI-gu uu ka batay mushaharka shaqaalaheeda, kadibna waxay ka guurtay Claude oo ay samayso Anthropic, iyadoo u wareegtay DeepSeek. Tallaabadaas ayaa la sheegay inay kharashka yareysay qiyaastii 90%. Si xogta aysan u marin Shiinaha, shirkaddu waxay Model-ka ku host-gareysay Servers ku yaalla Maraykanka.
Coinbase ayaa iyaduna bilowday inay shaqooyinka caadiga ah u isticmaasho Chinese Open-Weight Models, taasoo la sheegay inay kala bar dhintay kharashka AI-da. Pinterest waxay qaadatay Qwen Model-ka Alibaba, waxayna ku tababartay xogteeda gaarka ah. Shirkaddu waxay sheegtay inay dhintay 90% kharashkii iyadoo saxnaanta natiijooyinka Model-ka ay korortay 30%.
Faa’iidada muhiimka ah ee Models-kan ayaa ah in shirkaduhu soo dejisan karaan, iyagu host-gareyn karaan, waxna ka beddeli karaan. Taasi waxay siinaysaa awood iyo madax-bannaani ka badan adeegyada API-da ee xiran.
Xayiraadihii Maraykanka oo Shiinaha ku qasbay hal-abuur
Maraykanku wuxuu Shiinaha ka xannibay Chips-ka awoodda badan ee ay soo saarto shirkadda Nvidia, si loo yareeyo horumarkiisa dhinaca AI-da. Laakiin xayiraadahaasi waxay shirkadaha Shiinaha ku qasbeen inay horumariyaan AI Models awood yar lkn qabta shaqo badan.
DeepSeek wuxuu adeegsadaa farsamo lagu magacaabo Mixture of Experts (MoE), taasoo aan hal mar wada hawlgelin dhammaan qaybaha AI Model-ka. Marka Request loo diro, farsamadani waxay hawlgelisaa keliya qaybaha ku habboon hawshaas. Habkani wuxuu si weyn u yareeyaa Compute Power-ka iyo AI Inference Cost-ka loo baahan yahay.
Sidaas darteed, xayiraadihii loogu talagalay inay dib u dhigaan horumarka Shiinaha ayaa laga yaabaa inay ku qasbeen inuu noqdo tartamaha ugu fiican dhinaca waxtarka iyo qiimaha jaban.
Shiinuhu wuxuu hoggaaminayaa tirada, Maraykankuna qiimaha
Inkastoo AI Models-ka Shiinuhu maamulayaan Tokens badan, haddana taasi macnaheedu ma aha inay dhinac kasta ka adkaadeen Maraykanka.
Models-ka Maraykanka sida Claude, Gemini iyo kuwa OpenAI ayaa weli hoggaaminaya Advanced Reasoning-ka, xalinta dhibaatooyinka adag iyo shaqooyinka muhiimka ah ee khalad kasta uu sababi karo khasaare weyn. Anthropic ayaa la sheegay inay hesho dakhliga ugu badan ee OpenRouter, inkastoo AI Models-keedu ay farsameeyaan qoraal iyo xog aad uga yar kuwa Shiinaha.
Suuqa AI-da wuxuu hadda u kala baxayaa laba qaybood: Models-ka Maraykanka oo qaali ah, balse ku wanaagsan Advanced Reasoning-ka iyo xalinta hawlaha adag, iyo Models-ka Shiinaha oo jaban, wax laga beddeli karo, laguna adeegsan karo Requests aad u tiro badan.
Walaaca amniga iyo xogta
Qiimaha jaban waxaa barbar socda walaac dhinaca amniga ah. Marka shirkad si toos ah u isticmaasho API ay leedahay shirkad Shiineys ah, xogtu waxay mari kartaa Servers ku yaalla Shiinaha.
Taasi waxay khatar ku noqon kartaa shirkadaha haya xog xasaasi ah. Haddaba Xalka ay doorteen shirkadaha ayaa noqday inay Chinese Open-Weight Models ku host-gareeyaan Servers ku yaalla Maraykanka ama dalal kale, si aanay xogtu ugu gacan gelin Shiinaha.
W/Q: Eng. Abdishakur Mohamed
On sale products
-
Cryptocurrency Best Trading Course
Original price was: $49.$19Current price is: $19. -
Investment And Trading Course
Original price was: $99.$29Current price is: $29.


